Click

IGAD NEWS SOMALI

Breaking News: The information on this website was as accurate as possible when it was written, but situations change. We accept no responsibility for any loss, injury or inconvenience sustained by anyone resulting from this information. You should conduct your own research before traveling Somalia, Somaliland, Somali zone (Ethiopia), Puntland, Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Uganda, Sudan and Kenya and check for the latest information on critical issues such as regional security, visa issues with the relevant authorities before you leave.

Breaking News:

Somaliland

Ethiopia

Eritrea

Djibouti

Kenya

Somalia

Sudan

Uganda

Enjoy the website 

(IGAD Site)

 

 

The IGAD Indepedent Online Daily Somali News
Xukuumadda FS oo beenisay in ay Ethiopia kula heshiisay inay ka hesho taageero milatari
Jigjiga (HAN) Wasiiru-dowlaha Arimaha Dibadda Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya Ibraahin Shiikh Cali jeebo ayaa sheegay in Xukuumadda FS aaney Ethiopia oo kaliya Heshiis la galin, balse ay jiraan heshiisyo kale oo ay la gashay Dowladda Kenya

Ciidamo Ethopian ah oo soo buuxiyay meel u dhow Magaalada Baladweyne.


WARARKA SAFKA HORE EE WADAMADA IGAD

Mogadishu (HAN) December 3, 2024-- Wasiiru-dowlaha Arimaha Dibadda Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya Ibraahin Shiikh Cali jeebo ayaa sheegay in Xukuumadda FS aaney Ethiopia oo kaliya Heshiis la galin, balse ay jiraan heshiisyo kale oo ay la gashay Dowladda Kenya, waxa uuna tibaaxay in Heshiisyadaasi Sadaxda Dowladood u dhaxeeya in loogu talo galay sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada amaanka iyo wax wada qabsiga.

Ibraahim Jeebo waxa uu ku tilmaamay heshiisyadii la gaaray in ay ahaayeen kuwo dan u ah ummadaha ku nool Geeska Afrika, gaar ahaan waxa uu farta ku goday Qaxootiga Dalalka Kenya iyo Ethiopia joogo.

Heshiiska dowladda federaalka KMG ah ay la gashay Wadamada Kenya iyo Ethiopia Micnaheedu ma ahan in ay soo faragalin karaan Gudaha Soomaaliya, ee waa heshiis Dowladda ay la gashay dowlad kale, mana jirto sabab ay u soo fara galiyaan soomaaliya�ayuu Yiri Wasiiru dowladaha Wasaarada Arimaha dibadda Ibraahim Shiikh Cali jeebo oo maanta kula hadlayay Saxaafadda Magaalada Jowhar , isagoo beeniyay inay jiraan waxyaabo jiritaanka qaranimada Soomaaliya oo ku hoos qarsanaa heshiiskaasi.

Ibraahim Jeebo waxa uu dhinaca kale gaashaanka ku dhuftay in uu heshiisku ku jiro qodobo ka mid ah in dowladda Ethiopia ay golayayaasha dowladda federaalka KMG ah ee soomaaliya garabka Jowhar ugu deeqdo Saanado Milatari , si ay ugu suuragasho la wareegidda guud ahaan amaanka Soomaaliya, waxa uuna arimahaasi ku tilmaamay in ay yihiin kuwo been abuur ah.

Ciidamo Ethopian ah oo soo buuxiyay meel u dhow Magaalada Baladweyne

B/weyne: Ciidamada ka tirsan Xukuumadda Federaalka Ethopia ayaa lagu waramayaa inay isa soo dhoobeen Xuduuda ay wadaaga kula yihiin Gobolka Hiiraan , kuna dhow Magaalada B/weyne .


Warar aynu ka helnay magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in ciidamadan Ethopianka ah ay dileen dad rayid ah, iyadoo la sheegay in ciidamadan ay dadka Soomaalida ah qab qabanayeen isla markaana ay waydiinayeen qabiilka uu ka yahay Soomaali, haddii uu noqdo qabiilka ay baadi goobayaan waxaa la sheegay in ay kaxaysanayeen si gaar ah Qabiilka ugu tunka weyn Gobolka Hiiraan .

Ciidamadan ayaa qaarkood la sheegay in ay soo gaareen meel magaalada Baladweyne u jirta 20 KM , iyadoo la xusay in arintani ay soo baxday markii labo nin oo Itoobiyaan ah una shaqeynayey hay�ad lagu dilay meel u dhaw magaalada Baladweyne, iyadoo labadaas nin gaarigii ay wateena la gubay.

Dhowaanahaan ayaa waxaa ka dhex jiray dhibaatooyin Beesha uu ka soo jeedo Gudoomiyaha G/Hiiraan iyo Ciidamada Ethopian-ka ee ku sugan Xuduuda oo muddo bil laga joogo ku xadgudbay oo dhimasho iyo dhaawac u geystay dad Soomaali , iyadoo falkaasi markii ay u geysteen dad reer miyi ah ay dib u gurteen.

Rajada laga qabay dib u heshiisiin dhexmarta dhinacyada Dowladda FS oo sii gaabanaya.

Muqdisho: Ifafaalihii laga muujinayay kulan ka dhaca Magaalada Kismaayo , Jowhar ama Muqdisho oo intaba lagu dhex dhexaadinayo dhinacyada Khilaafka uu u dhaxeeyo ee dowladda FKMG ah ee Soomaaliya ayaa ah mid sii gaabaneysa liifadeeda .

Waxaana Aqoonyahanada Jaamacadaha Muqdisho ku yaala ay sheegeen in aanu muuqan xilligan Kulan ay yeeshaan labada dhinac ee dowladda, isla markaana si ka fool ka fool ah ay uga wada hadlaan , iyagoo sheegay in rajadii laga qabay arintaasi ay hoos u sii dhaceyso.


dhinaca kale marka aad Makrafoonka la dhex qaado dadka Muqdisho ayaa waxa ay intooda badan ay yihiin kuwa saadaasha ay muujinayaan ay tahay natiijo xumo iyo xaaladda sii laba miisata dhinaca khilaafka .

Arintani ayaaa waxa ay soo baxday markii kulan qarsoodi ah uu xalay ku dhexmaray Hoyga Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar ee Waqooyiga Muqdisho 9 Sarkaal oo ka kala Tirsan FPI-da Mareykanka iyo Hey�adda Sirdoonka Moosad- ee Isra�il oo shalay si aan la dareemeyn uga soo degay Garoonka Dayniile , iyagoo maantana dib u laabtay , waxa ayna saraakiishan marka hore ay kulan la qaateen Bashiir Raage oo albaada ay isugu soo laabteen , iyadoo daqiiqado kadib halka shirka uu ka socday ay soo xaadireen Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax , Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeenta Cismaan Xasan Cali ( Caato) , Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Cumar Maxamed Maxamuud ( Filish ) iyo Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha cadde oo iyana kulan albaada u laabnaa ay la yeesheen Bashiir Raage , lamana faahfaahin waxyaabihii ay ka wada hadleen , iyadoo mas�uulkii arintani wax laga weydiiyo aanu jawaab marnaba kaa siineyn , misana aanu kaa qabaneyn Telefonkiisa .

Shariif Xasan oo Cishooyin yar kadib Liibiya uga sii gudbaya dalka Masar.

Tripoli: Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa la filayaa in uu booqasho u tago dalka Masar iyadoo haatan uu gudoomiyuhu ku sugan yahay dalka Liibiya oo uu uga qeyb galayo shir ay leeyihiin Baarlamaanada dalalka Afrika.


Ilo ku dhaw dhaw Shariif Xasan ayaa waxa ay sheegeen in dowlada Masar uu marti qaad ka helay Shariifku ,iyadoo dowladda Masarna ay horay u sheegtay in labada dhinac ee dowlada ay ka qeyb qaadaneyso dib u heshiisiintooda.


Masar ayaa dadaal ugu jirta sidii ay madaxweyne C/laahi Yuusuf Gudoomiye Shariif Xasan ay isugu keeni lahayd , isla markaana ay uga dhaadhin lahayd in ay heshiiyaan, waxaana suurto gal ah in marka uu tago C/laahi Yuusuf dalka Sacuudiga kadib uu uga sii gudbo dalka Masar si ay isku arkaan isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo khilaaf xagga fikirka ah uu ka dhaxeeyo.

 

[email protected]

[email protected]
Copyright �
1986-2005 1986-2005 Contact: IGAD2020

        

Hadhwanaagnews

AllPuntland
Allsomali.com
Arlaadi Online
Arlaadinet
Afgoi.com
Awdelnews.com
Ayaha Nolosha
Ayaamaha
Bakaaraha
Balcad.com
BBC Laanta Soomaaliga
Benadir
Berlula Online
Burtinle Online
Codka Somali Galbeed
Cayaaraha.com
Cadaado.net
Dalka.com
Dawanpress
Dayniile
Deeyoo
DijboutNet
Elektaroonig Gedonet
Gedohomepage
Geeska Afrika
Godey Online
Goldogobsite.com
HalganNews
Harardheere
Hobyonet
Hiiraan Online
Himilo Online
HornAfrik Online
Horyaal
Jamhuuriya
Jowhar.com
Kenyan Somali Community
Lafoole.com (STAS)
Marka Caddeey
Maaneed
Midgaan.com
Mogadishu University
Muqdishonet
Midnimo.com
Puntland Post
Qaranimo.com
Qorahey
Qaamuus Qaran Press
Radio Somaliland
Ruunkinet.com
Smali Bantu
Somaligalbeed
Saylac.com
Somali TV Online
SomaliMagazine
Somali Fisheries Society 
Somalilandnews.com
Somalitalk
Somalia Site
Somali S.S. Malaysia
Somalilife.com
Somaliawatch.com
Somali Market
Somaliawatch.org
Somalilandnet.com
SomaliNet
Somali Press
Somali R. & H. Center
Somitek
Somalitribune
Somali Water & Enviro
Somali Weyn
Somaliwebsite
Somalihome
Somali Peace Process
SomaliUK Somali Talk Somali Inter
Suldan Hure
SUSA Netowrk 
STN-TV.NET
Waqooyi Bari Kenya
Wardheer
Waaga Cusub
WardheerNews
Warsan Times
WidhWidh