|
Wakaalada
wararka HAN & Wargeyska Geeska: Qalalaasaha Maamulka
Gobolka Hiiraan!
|
HIIRAAN OO KABIYODIIDAY MAAMULKA GACAN KURISMISKA EE JAWHAR
Mogadishu, Somali (HAN) 30kii Oktober, 2005-:
Muqdisho (dayniile.com).Wariye Salaad Iidow Xasan (Xiis)
oo qaraabe hoose yihiin Ra��iisal wasaare Geeddi ayaa dhaqalo
badan lagu siiyey in uu buun buuniyo wararka lidka ku ah magaalada
Muqdisho asagoon adegsanaayo websaadyada kale oo aan heeb ahaan la
wadaagin Geeddi .
Salaad Iidow Xasan (Xiis) oo ah nin suxufi ah lakiin la dhihi
karo waxaa ka tanbadisay qabiilka ayaan eed ku laheyn buun buunita
wararka aan jirin .
Saxafiyiinta Muqdisho ayaa moodaa in qab qabiil isku badaleyn
waxii ka danbeeyey Dowladii lagu soo dhisay Doofarey iyagoona
intabdan jornalada iyo idaacdaha Muqdisho lagu jahwareriye lacago
badan oon lagaraneynin tasoo aad ka daremeysid Idacadaha Muqdisho
iyo Jarnaalada afar baalka buun buunita garabka Jowhar. Arinta
keentay in uu buun buniyo ayaa kadib markii uu fashilmay dadaakii
Geeddi ee ahaa in la cunaqabateeyo shacaka Muqdisho. Caalamka kama
dhicin wariye dadkiisa la jecel in cunaqabateen la saaro. Sources:
Cabdi Gacal Muuse dayniile Muqdisho
Dhinaca kale: Dadwaynaha Reer Hiiraan ayaa
maanta banaanbax kadhigay gobolkooda,iyaga oo sheegay inayna marna
taageerayn "Maamulka Jawhar laga wado", taasi oo Omar
Xashi oo lahadlay wakaalada HAN ee muqdishu uu kusheegay in "la'ixtiraamo
doonista iyo danta shacbiga reer hiiraan".
Golayaasha Muqdisho oo hadal kulul
ka soo saaray Xayiraadii lagu rogay Garoomada Dayniile iyo Ceel
Axmed, kuna baaqay in dadka Muqdisho ay baraarugaan
Muqdisho (HAN): Golayaasha Muqdisho ayaa ku micneeyay go�aankii
xayiraada lagui soo rogay garoomada diyaaradaha dayniile iyo Ceel
Axmed qorshaha go�doominta Muqdisho iyo gobolada ku xiran, iyagoo
ku sheegay in Xubnaha Dowladda ee Jowhar ay doonayaan in ay colaad
ka hociyaan dalka .
Afhayeenka Golayaasha Dowladda ee Muqdisho Col.Cumar Xaashi Aadan
oo maanta u aqrinayay saxaafadda Muqdisho warsaxaafadeedkii ay ka
soo saareen kulankooda ayaa waxa sheegay in qorshahan uusan aheyn
mid ka yimid beesha caalamka ama urur goboleedka IGAD , hasa ahaatee
ay abaabulkiisa oo qura ay leedahay dowladda Ethiopia, fulintiisana
ay gacan ka siinayaan xubnaha dowladda Garabka Jowhar.
Warsaxaafadeedkaasi ayaa waxaa lagu sheegay in qorshahaasi lagula
dagaalamayo nolosha hantida iyo xasiloonida dadka Soomaaliyeed ee
degan magaalada Muqdisho iyo gobolada Ku xiran, iyadoo lagu cuna
qabateynayo awooda ciidan, dhaqaalahooda iyo abaabulkooda bulshadeed
ee caalamka la leeyihiin.
Xubanaha labada gole ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in arinta
ay ka weyn tahay loolanka ka dhex jira labada gole dhexdooda, iyadoo
lagu tilmaamay qulqulatooyinka badda, afduubka, maraakiibta, xirida
garoomada diyaaradaha iyo fidinta dacaayadaha Somaliya lidka ku ah
in loola jeedo in lagu xalaashado cuna qabateynta magaalada Muqdisho
iyo gobolada ku xiran waa sida lagu yiri war saxaafadeedkaasi.
Wra saxaafadeedkan ayaa waxa baaq loogu jeediyay Shacabka
Muqdisho in ay ku baraarugaan arintaasi islamarkaana ay bilaabaan
abaabul kasta oo looga hortagayao in cuna qabateyntaasi ay hirgasho.
Golayaasha Muqdisho ayaa waxa ay ka codsadeen dowladda Kenya in
aysan soo faragalin arimaha gudaha Somaliya ee shuruucda caalamka ay
ka reebeyso isla markaana aysan sameyn xag jirnimo.
Kulankii maanta qoraalka laga soo saaray ayaa waxaa loogu baaqay
Jaamacadda Carabta in ay ka fiirsato la safashada dhinac ka mid ah
dowladda , xafiis ka furashada Jowhar iyo dhaqaale siinta dowladda
FS, taasoo ay sheegeen in ay keeni karto cawaaqib xumo ka dhalata
Soomaliya.
Soomaali Socdaal u aheyd dhinaca Britain oo lagu xabisay Garoonka
Sanca .
Sanca : Ciidamda amaanka Yemen ayaa waxa ay sheegeen in la qabtay
dad Soomaali ah oo documintiyo sharci daro ah ugu socdaalayay
dhinaca dalka Britain.
War ka soo baxay gegida Caalamiga ah ee Dayuuradaha Magaalada
Sanca ee Caasimadda dalka Yemen ayaa waxa ay sheegayaan in saaka la
qabtay 7 ruux oo afrikaan oo sitay baasabooro Holandees ah oo la
been abuuray.
Ilaha wareed ayaa waxa ay intaasi ku daryaa in dadka la qabtay ay
kala ahaayeen 5 haween ah iyo 2 nin , dhamaantood waxaa la
xaqiijiyay inay u dhasheen dalka Somalia .
Sida uu qoray Wargeyska Al-Mu�tamar ee ka soo baxa dalka Yemen
dad la qabtay ayaa waxa ay ku sii jeedeen xilligaasi dalka Britain,
waxaana baaritaan kula dhaqaaqay ciidamda amaanka garoonka iyo Guddi
ka tirsan Waaxda Socdaalka iyo Baasaboorada ka dib markii la xabisay
.
Baarayaasha Ducumintiyada dadkani Soomaalida ay doonayeen inay ku
socdaalaan ayaa waxa ay qireen in baasaboorada laga soo farsameeyay
hab been abuur ah gudaha dalka Soomaaliya .
Xuseen Ceydiid oo
ku dhawaaqay Shaqaalaha Dowladaha Hoose ee Gobolka Hiiraan
Yaounde : Warqad Digreeta ah oo ka soo baxday Xafiiska R/wasaare
Ku xigeenka ahna wasiirka arimaha gudaha ee Dowladda FKMG ah ee
Soomaaliya Eng. Xuseen Maxamed Ceydiid ayaa waxaa lagu magacaabay
Shaqaalaha Dowladaha Hoose ee Gobolka Hiiraan.
Warqadda oo ku taariikhsaneyd shalay ayaa lagu sheegay in markii
la eegay xaaladihii dalka uu soo maray iyo Degmooyinka ku cusub
Gobolkaasi ayaa waxaa lagu daray shaqaalaha Dowladaha hoose
Degmooyinka Matabaan iyo Maxaas .
Magacyada dadka ku diiwaan gashan Digreetadaasi ayaanu loo soo
gudbin ragga wararka fidiya .
Arintan ayaa mar kale beelaha ku dhaqan Galbeedka Magaalada B/weyn
ay ka careysiisay ,iyagoo maanta halkaasi ka dhigay dibadbax ay ku
mucaaradayeen dowladda FS , waxa ayna cambaareeyay maamulada
Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ee iskaashiga Muujinaya , iyo qaab
dhismeedkii maamulka ee ay ansixiyeen Madaxweynaha iyo R/wasaaraha .
Ka sokow arintan ayaa qaar ka mid ah Odayaasha Beesha Xawaadle ee
Muqdisho ay ugu baaqeen Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed
inuu u gaabiyo xiriirka uu la yeeshay maxamed Dheere , iyagoo
sheegay in arintaasi ay sababeyso colaad sokeeye oo ka qaraxda
Gobolka Hiiraan .
Dhinaca kale Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo R/wasaare Cali
Maxamed Geedi ayaa u qabtay laba cisho inay go�aano ku keenaan
wasiir ku xigeenka Tamarta ee Is casilay iyo wasiirada kale ee
hanjabaya sida wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Cumar Dheere iyo
Xildhibaano kale oo ku heyb ah beelaha wasiiradan ay ka soo jeedaan.
Gobolka Hiiraan ayaa kala dambeyntiisu ay luntay wixii ka
dambeeyay markii uu geeriyooday Xasan C/lla Qalaad , hase ahaatee R/wasaare
Geedi ayaa u magacaabay Gobolkaasi Maamul cusub , kaasoo markii hore
ay diideen dadka reer Hiiraan balse markii dambe ay soo dhoweeyeen.
Soomaalida Yemen oo
xaaladooda nololeed wanaagsantahay
Sanca : Hey�adda UNCHR ayaa sheegtay in qaxootiga
Soomaalida ee ku nool dalka Yemen ay heystaan Cuno iyo adeegyo
cafimaad iyo waxbarasho oo dhameystiran.
Warbixin ka soo baxday Hey�adda UNHCR ayaa waxaa lagu sheegay
in in kabadan 77 kun oo qaxooti ah ay degan yihiin dalka Yemen oo ah
dad u diiwaan gashan hey�adda qaxootiga u qaabilsan Q.M , waxaana
la xusay in dadkaasi ay ku jiraan in kabadan 75 kun oo ruux oo
qaxooti Soomaali ah , halka kuwa kale ay yihiin dad u kala dhashay
dalalka Ethiopia , Eretariya ,Ciraaq,Falastiin iyo dalal kale .
Warbixinta ayaa waxa ay sheegeysaa in dowladda Yemen ay qaabisho
sanad kasta dad u dhaxeeya 1200 ilaa 1400 ruux oo ka yimaada Geeska
afrika intooda badan ay yihiin Soomaali , waxaana dalka Yemen soo
gaaray in kabadan 18 kun oo qaxooti ah intii lagu guda jiray
sanadkii hore ee 2004ti, waxaana dadkaasi ku jira 16600 oo Soomaali
ah .
Hey�adda UNHCR ayaa waxa ay sheegtay in iskaashi ay kala
sameysay dowladda Yemen ay kaalmo ugu fidiyeen dadkaasi ,lana
dejiyay xerooyin iyo deegaano hodan ah , iyadoo Yemen dadkaasi ay u
aqoonsatay qaab qaxootinimo .
Dadkaasi qaxootiga ah ayaa hey�adu ay xaqiijisay inay ka soo
qaadaan xeebaha Bi�ru Cali iyo Keyda ee badda Carbeed ayna u
gudbiyaan xarumaha dadka lagu qaabilo e ku yaala Deegaanka Meyfaca
ee Gobolka Shabuuh , waxaana la siiyaa cuno ,iyadoo loo fidyo gurmad
caafimaad ka hor inta aan la mid dhigin dadka qaxootiga ee ku jira
Xerada Qaraz ee Gobolka Laxaj .
Waxaana la tilmaamay in dadka Yemen sida sharciga ah ku jooga ay
ku nool yihiin deegaanada hodanka ah ee dalkaasi .
Dadka qaxootiga ee ku jira xerooyinka dalkaasi waxa ay heystaan
xoriyad ku filan oo ah inay is booqdaan ama ay dibadda uga baxaan
xerada ,iyagoo hela adeegyo caafimaad , waxbarasho , iyadoo halkaasi
ay ka jiraan dugsiyo lagu baranayo manhajyada Yemen iyo Soomaaliya ,
waxaa u dheer dadkaasi biyo nadiifsan , iyo adeegyada kale ee
Caafimaadka , bulshada , tababarada farsamo iyo dhaq dhaqaaqa wax
beerashada , waxaana warbixintu ay sheegtay inay jiraan labo Urur oo
NGO ah oo shaqooyinkaasi marka la qabto daqliga dib ugu celiya
qaxootiga sida uu qoray Wargeyska 26-ka September ee ka soo baxa
dalka Yemen.
Maxkamad Cusub Islaami ah oo ka
dhisan Muqdisho oo beenisay inuu xiriir kala dhaxeeyo Maxkamadaha
kale ee ka jira G/Banaadir
Muqdisho: Maxkamad Cusub oo Islaami ah oo dhowaan laga dhisay
Xaafadda Barmuuda ee Degmada Waabari ayaa waxa ay gaashaanka u
daruurtay in wada shaqeyn uu kala dhaxeeyo Maxaakimta Islaamiga ee
Midowga sameystay kana howlgala xaafadaha kala gedisan ee Muqdisho.
Axmed Maxamed Maxamuud oo ah Taliyaha Ciidamada Maxkamadda
Islaamiga ee Maka Al mukarama ee deegaanka Bermuuda ayaa sheegay in
maxkamada cusub ee ay dhiseen ay tahay mid loogu talagalay inay so
celiso xasiloonida deeganka ee aysan ahayan mid u talabeysa deegano
kale.
Taliyaha Maxakamadda Maka Al-mukarama wuxuu beeniyey inay
bilaabeen inay lacago canshuur ah ka qaadaan gadiidka dadweynaha ee
ka shaqeeya wadada dabka ee Bermuudo dhex marta.
Taliyaha Maxkamadan oo aanu weli howlgal la taaban karo ka fulin
Muqdisho tan iyo markii dhidibada loo taagay ku dhawaad muddo iminka
laga joogo 6 cisho ayaa waxa uu sheegay inay durbaba hawlgaleen,
ayna qabqabteen burcad gaareysa ilaa sideed qof oo uu sheegay inay
haatan xiran yihiin, maxkamadna la keeni doono Mustaqbalka dhaw...
Fall oo gaaray Magaalada Hargeysa,
ugana sii gudbaya Xarunta Q.M ee New York
Hargeysa: Wafdi 3 sarkaal ka kooban oo uu hogaaminayay
wakiilka gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa maanta
duhurnimadii ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee
Maamulka Somaliland .
Fransawa Fall ayaa la shaaciyay in laba cisho ugu badnaan uu
joogayo xarunta Maamulkaasi isku magacaabay inuu gooni isku taagay ,
waxaana lagu wadaa in inta uu joogo Hargeysa uu kula kulmo
Madaxweynaha Maamulkaasi Daahir Riyaale Kaahin iyo Madaxda xisbiyada
ka dhisan halkaasi.
Ilo muhiim ah ayaa waxa ay sheegayaan in socdaalka Mr. Fall uu la
xariiro mid xaqiiqo raadin ah oo uu wax kaga weydiinayo dadka
halkaasi ku dhaqan qaabkii ay ku qabsoomeen doorashooyinka
baarlamaaniga ee Somaliland .
Warka ayaa waxaa uu intaasi ku darayaa in Ergeyga Q.M u qaabilsan
arimaha Soomaaliya Fransawa Fall Marka uu dhameysto booqashadiisa uu
u sii gudbayo Magaalada New york si uu u gudbiyo warbixinta ka
hadleysa heerka uu gaaray khilaafka Dowladda FS iyo Socdaalkii guul
dareystay ee dhowaan uu ku tagay Jowhar oo ay isku mari waayeen
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.
Fall ayaa hadal ka jeedinaya fadhi dhamaadka Todobaadkan ay isugu
imaan doonaan Xubnaha Joogtada ee Golaha amaanka oo lagaga
arinsanato arimaha Soomaaliya ka taagan xilligan .
Shariif Xasan oo kulamo kula leh
Nairobi Golayaasha Dowladda ee halkasi ku sugan
Nairobi: Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ayaa waxa
ay sheegayaan in xalay fiidkii Gudoomiyaha Baarlamanka FS Shariif
Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ay gaareen magaalada
Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa ka soo
kictamay magaalada Dubai, halkaasi oo taransiit uu ku ahaa.
Shariif Xasan ayaa maanta lagu wadaa in Nairobi uu kulan kula
qaato Golayaasha Dowladda ee halkaasi ku sugan ,iyadoo Xoldhibaan
Cabdalla Cali Xaaji iyo Wasiirka Howlaha guud iyo Guriyeynta Cismaan
Xasan Cali (Caato ) ay ka mid yihiin Mudanayaasha ugu muuqda ee ka
qeybgalaya kulanka maanta .
Ilo muhiim ah ayaa waxa ay sheegayaan in Shariifka uu bilaabay
olole ah in dowladda Kenya ay dhexdhexaad ka noqoto waxyaabaha ka
dhex aloosan Golayaasha Dowladda ee ku kala sugan Muqdisho iyo
Jowhar .
Gudoomiyaha Baarlamanka iyo wafdigiisa ayaa socdaalo ku soo maray
dalalka Britain, Sweden Finland iyo dalal kale, isagoo dalkiisa
dibadda uga maqan in kabadan muddo ka badan laba bilood, waxaana
lagu wadaa in cishooyinka nagu soo aadan uu yimaado Magaalada
Muqdisho.
Golayaasha Muqdisho oo maanta soo
saaraya go�aano khuseeya Xayiraada Kenya ay ku soo rogtay
garoomada Dayniile iyo Ceel Axmed
Muqdisho: Golayaasha Muqdisho ayaa maanta mar kale kulan
isugu imaanaya ,iyagoo kaga baaraan degaya kulankooda go�aan ka
gaarista xayiraada lagu soo rogay garoomada Dayniile iyo Ceel Axmed
.
Xiritaanka garoomadan ayaa waxaa uu saaka sababay in
Maleeshiyooyin tiro badan oo ay wehliyaan gawaarida dagaalka inay
buuxiyaan wadada Siinka Dheere ee ku teedsan Degmada Afgooye ,
waxaana lagu waramayaa in Maleeshiyooyinkan ay doonayaan in ay is
hortaagaan gawaarida qaadka ka soo qaada Garoonka No. 50 oo hoos
taga Xildhibaan Xaaf oo iminka ku biiray Isbaheysiga Dowladda ee
Jowhar .
Waxaana garoonka No. 50 uu ka mid yahay garoomada la ogolaaday
inay wax ka soo degaan ,kana duulaan.
Arintan ayaa waxa ay sababi kartaa dagaal dhiig ku daata oo marka
hore ka qarxa gudaha Muqdisho kadibna ku faafa ilaa iyo Degmada
Jowhar ee Gobolka Sh/dhexe.
Warka ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in Qaar ka mid ah xubnaha
labada gole ee magaalada muqdisho oo fadhi ay shalay yeesheen ku
dhagaysteen dhowr qodob oo ay soo bandhigeen guddiyo ka mid ah
xubnaha labada gole ee Muqadishu ku sugan..
xildhibaanada ku sugan Muqadishu ayaa waxa ay ka wada hadleen
saddex qodob oo lagu kala sheegay Hub la tilmaamay in uu ka yimid
dalalka talyaaniga, yemen, itoobiya,iyo labo arimood ee ahaa
xerirtaanka la sheegay ee labada garoon diyaaradeed ee dayniile ee
ku yaal duleedka magaalada Muqdishu iyo midka Ceel Axmed ee ku yaala
Degmada marka ee Gobolka Sh/ hoose.
Xildhibaan Saleymaan Colaad Rooble oo kulankaasi kadib la
hadlayay qaybaha warbaahinta ayaa sheegay in soo saari doonaan go-aamo
wax ku ool ah oo ku saabsan sadexdaasi qodob in lagu gaari doono
kulanka maanta qabsoomaya.
|