FIIRO GAARA:
Barre ayaa Lakulamy xubnaha ugu muhiimsan ee Isbahaysiga Dooxada.
Natiijada Doorashada Cododka la tiriyey waxaa boqolkiiba 65% ku guulaystay Xisbiga Mucaaridka KULMIYE, balse labada xisbi ee kale ay kala helay 23% UDUB iyo %12 UCID
ah.
Abdi Khalif, oo kamid ah, hawl wadeenada jaaliyada
Toronto ayaa kuyidhi HAN " Kulankii Guddomiyaha
barlamaanka ee Kanada wuxuu ahaa Fursad taariikhi ah oo bogg
cusub ufurtay Jaaliyada Somaliada ee Kanada.
|
Wakaalada
wararka ee HAN & Wargeyska Geeska Afrika Online ayaa ku
tilmaamay warbixino ay ka qoreen codbixintii doorashadii
golaha wakiilada Somaliland inay udhacday si ay kujirto "ixtiraam,
garasho walaaltinimo, bildhaamin nabad kuwada noolaanshaha
bulshada & qadarinta qiimaha qofka & jiilka bari ee
Somaliland".
|
Barlamaanka
Federalka Somaliya Iyo Barre Hiiraale oo ujeeda Jowhar,
Sidii uu uga hordagi Lahaa Qorshaha Sharifka
Mogadishu, Somali (HAN) 2dii Oktober, 2005- Barre Hiiraale ayaa Lakulamy xubnaha ugu muhiimsan ee Isbahaysiga Dooxada
Juba, isaga oo kala hadlaya siddii hogaamiyeyaasha Muqdisho ee wasiirada ah looga dhaadhicin lahaa in ay ogolaadaan qorshaha uu ku dhexdhexaadinayo xubnaha labada gole ee ku kala sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, waxaana xubnihii uu lakulmay ka mid ahaa wasiirka macdanta iyo biyaha Max�uud Salaad Nuur, Jen. Maxamed Nuur Galaal iyo taliyaha ciidamada Isbaheysiga dooxadda Jubba Maxamed Rooble Goobaale,oo dhamaantood katirsan Beesha cayr, ee ay mataanaha kuyihiin "Isbahaysiga Dooxada Jubba".
Dhinaca kale: waxaa sitoosa Barre Hiiraale isu hortaagay "xubnaha wasiiradahubaysan ee katirsan bahwaynta USC" isaga oo lakulmay wasiirada hubeysan ee magaalada Muqdisho oo ay ka mid yihiin wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax, wasiirka ganacsiga dowladda federaalka Muuse Suudi Yalaxow iyo xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade. taasi oo aan midho
ah dhalin.Waxaa Barre loo arkaa xubin qorshe hoose kawada Magaalada Muqdisho.
Soomaaliya oo looga cabsi qabo in ay hoy u noqoto Al-Qaacida
Talaviv(HAN):- Xeel-dheerayaal Rayid iyo kuwa milatari isugu jira ayaa waxa ay sheegeen in Soomaaliya ay isku rogeyso Fariisinka cusub ee Xubnaha Ururka Al-Qaacida ,si gaar ah Soomaaliya oo ah dal muddo 14 sano ka cabanayay fowdo,taasi
oo Ururka lamataanaha ah ee Al-Itixad Al-islami uu xiddido kuyeeshay
koonfurta Somalia.
ilo wareed isku dhafan ayaa waxa ay sheegayaan in unugyo ay bilaabeen in ay saldhig ka sameystaan Soomaaliya oo ka maqan awooda dhexe , iyadoo la milicsanayo in arintani ay aheyd mid markii horeba la filanayay oo walaac abuureysa.
ilo kale ayaa waxa ay sheegayaan in mushikalado hor leh ay soo food saari doonto Al-qaacida hadii ay saldhig ka sameysato Mandhiqadaasi.
sida la wada ogsoonyahay cadaadiska milatari ee loola banbaxay Al-Zarqaawi iyo Ururkiisa Ciraaq ka howlgala ayaa waxa ay sabab u noqon kartaa goor dhow in ay baadi doon u galaan meel cusub oo ay cagaha dhigaan iyo in ay dib isugu soo fidiyaan Gobolka Geeska Afrika.
Shabatai Shafet oo ah Agaasimahii hore ee Hey'adda Sirdoonka Isra'il ee Mosad ayaa u sheegay wakaaladda wararka u fidisa dalka France in Alqaacida waqti dheer ay sii joogi doonto dalka Ciraaq, waxaase uu tilmaamay in ururkaasi si hubaal ay horey u sahansadeen meel ka badalan Ciraaq oo noqoneysa Soomaaliya , waxa uu carabka ku adkeeyay in urur kasta oo argagaxiso ah aaney u suuroobeyn inuu ku sii nagaado dalka Ciraaq isagoo aanu laheyn saldhig xagga Bariga ah oo sugan , isagoo sheegay in Al-qaacida ay baadi doon ugu jirto goob kale oo cusub.
Hey'ada aan dowliga aheyn ee lagu magacaabo International Cris Group ayaa warbixin ay soo saartay bishii July ee sanadkan waxa ay ku sheegtay in hanjabaada argagaxisada Jihaadi ee Soomaaliya si xaqiiqo ah ay halkaasi uga unkameyso , waxaana ay ugu yeereen soomaaliya dhufeys argagaxisadu ay leeyihiin .
ICG ayaa waxa ay sheegtay in koox la magac baxday Al-Jihaad Al-Jadiid oo ah farac ka mid ah Ururka Al-qaacida uu saldhig ka sameystay Muqdisho , waxaana hogaamiya wiil dhalinyaro ah oo ku soo tababartay dalka Afgaanistaan .
Hogaamiyaha ururka Al-Qaacida ee laga sheegay Muqdisho inuu ka jiro ayaa waxaa lagu tilmaamay inuu horey u dilay afar shisheeye howlo bani'aadanimo uga howlgalayay dhulka Somaliland intii u dhaxeysay bishii October 2003 ilaa iyo bishii April ee sanadkii 2004tii .
Maamulka Somaliland ayaa 23kii bishii September ee sanadkan waxa ay shaaciyeen in ay xireen Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Al-qaacida markii is rasaaseyn xoogan oo muddo afar saacadood socotay .
Wasiirka arimaha gudaha Talyaaniga Jusebbe Bizaanu ayaa dhamaadkii bishii July ee sanadkan waxa uu daaha ka rogay in ay si weyn ula soconayaan xaalada geeska afrika ,isagoo sheegay in Alqaacida ay saldhig ka sameysatay dal aaney dowladi ka jirin , waxa uuna sheegay in ay isku dayayaan in unugyo ka mid ah u soo diraan Yurub iyo dunida inteeda kale .
in badan oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Ciidamada Mareykanka ee fadhigoodu yahay dalka Jabuuti oo ku dhow Soomaaliya halkaasoo lagu fidiyay ciidamo tiradooda ay gaareyso 800 askari ayaa muujiyay cabsida ay qabaan xilli kormeer iyo indha indheyn ay ku hayaan Gobolka Geeska Afrika .
cilmi baarre Faransiis ah oo lagu magacaabo Rolan Marshall oo ku xeel dheer arimaha afrika ayaa waxa isna sheegay in soomaaliya ay ku taalo dhul hodan u ah AlQaacida ,balse waxa uu muujiyay in laga taxadiro , isagoo yiri '' hanjabaada argagaxisada waa mid dabooleysa xaqiiqda , waxa uu qiray in ay jiraan dad soomaali ah oo tababar ku soo qaatay dalka Afgaanistaan ,bulshaduna ay u jeedo howlaha ay wadaan oo loogu magac daray ( Icaadatu- Aslima ) waxaa uu farta ku goday jira in dadkaasi dhiiran ay doonayaan in Soomaaliya u rogaan qaabkii Maamulkii Talabaan ee ka arimin jiray dalka Afgaanistaan .
Marshall waxa uu intaasi ku daray in asal raaca ay yihiin kuwa xoogan dhabtii balse waxaa ka xoog badan ayuu yiri ganacsatada waa weyn iyo Hogaamiyaasha mooryaanta oo aanu arintaa wax kala wadaagin.
waxa uu ku soo afmeeray hadalkiisa in Abuu Muscab Al-Zarqaawi uu imaanayo Soomaaliya balse ugu dambeyn uu noqon doono qof soo galooti ah , waxaa fudud la socodka joogitaankiisa oo il gaar ah lagu heynayo ,Mareykanka iyo kuwa raacsan waxa ay ogaanayaan arintaasi ,su'aashu waxa ay tahay dhabtii miyuu mudan yahay in la daryeelo? ayuu isweydiiyay Rolan Marshall oo u dhashay dalka Faransiiska
Xigasho:
Madaxweyne Yusuf iyo R/wasare Geedi oo
Furay dhismaha cusub ee Garoonka Jowhar
Jowhar (HAN): Madaxweynaha Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo R/wasaarahiisa Cali Geedi ayaa maanta xariga ka jara Garoonkii dayuuradaha ee magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe oo mudooyinkaan dayactir uu ku socday.
Madaxwyene C/laahi Yuusuf ayaa waxa uu sheegay xafladii xariga looga jaray furitaanka garoonka in ay tahay bilwogii waxqabadka dowladda FS.
" waxaan aad ugu faraxsanahay in aan maanta dhex joogo garoon weyn oo caalami ah kaasi oo aysan noo dhisin dad shisheeye oo bilow ilaa dhamaad anagu aan hagaajisanay" ayuu yiri Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo muujinayay sida uu kalsooni ugu qabo amaanka Jowhar.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa waxa uu sheegay mar hadi gobolka Sh/dhexe uu helay garoon caalami ah in hadana dowlada iyo maamulka ay iska kaashan doonaan sidii loo dhisi lahaa wada dheer oo gasha degmooyinka Cadale iyo warsheekh kaasoo loo mari doono deked uu yeesho gobolka Sh/dhexe oo idil.
Madaxweyne C/laahi Yusuf ayaa waxa uu sheegay in dowladiisa ay qorsheyneyso hadii gacanta ay ku dhigto Soomaaliya in ay hagaajiso meelaha u baahan dayactirka.
Ugu horeyn waxaa xafladii furitaanka garoonkaasi hadalo kooban ka soo jeediyay R/wasaare Geedi oo sheegay in howsha laga qabtey garonka ay tahay guul u soo hoyatay shacabka reer Jowhar iyo maamulkooda oo uu yiri waxa ay u hureen waqti dheer.
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar ayaa waxaa la aas aasay sanadkii 1984 tii, iyadoo xiliyadaasi ka dib la dayactirey dhowr jeer, iyadoo dayactirkaan uu yahay kii ugu dambeeyay, waxaana dhererkiisu uu yahay ilaa 3 km iyo 40 mt oo balac ah.
Maamulka Puntland iyo Dowladda FS
oo kuheshiiyay Qorshaha shirkadaha saliida soo saara
Jowhar (HAN): Mas�uuliyiin ka socota maamul goboleedka Puntland oo labadii cisho eynu ka soo gudubnay ka soo socdaalay Magaalada Gaalkacyo ayaa ku tagay safar gaaban magaalada Jowhar ,halkaasoo ay daneynayaan in ay kula kulmaan Madaxweyne Yuusuf iyo R/wasaare Geedi si ay u gaarsiiyaan qoraalo la xiriira heshiisyo ay la galeen shirkado caalami ah .
Wafdigan, oo uu gaaminayo wasiirka Maaliyada ee maamul goboleedka Puntland Mudane Gaagaab isla markaana ka koobnaa 12 xubnood, ayaa ujeedada socdaalka ay ku yimaadeen magaalada Jowhar lagu sheegay in ay la xiriirtay sidii ay ugala xaajoon lahaayeen dowlada ah heshiisyo ay la galeen shirkado saliida soo saara.
Ka hor intii aan soo gaarin magaalada Jowhar wafdigan waxa Ra�iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi uu u xilsaaray gudi ka kooban lix xubnood oo ka tirsan golaha wasiirada, oo kulamo la qaata ergadaasi .
Gudigan loo xilsaaray la kulanka wafdigan ayaa waxa ay kala yihiin Wasiiru- dowlaha arrimaha dibada Ibraahim Sheekh Cali, Wasiirka daryeelka iyo arrimaha bulshada Xuseen Ceelaabe Faahiye, Wasiirka dalxiiska Maxamed Maxamuud Xeyd, Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka C/lle Deeroow Isxaaq iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada, waxaana lagu wadaa in kulanka ay yeelanayaan dhinacyadaasi la iskula soo qaadaan qodobo dhowr oo ay uga muhiimsan tahay heshiiska maamulka goboleedka Puntland ay la galeen shirkad shidaalka soo saara.
Imaanshaha wafdiga ka socda maamul goboleedka Puntland ayaa ku soo beegmay xilli ay eedeymo kulul ay is weydaarsadeen bishii hore R/wasaare Geedi iyo Maamul goboleedka Puntland.
Dowladda FS oo sikulul u eedeyay Urur Muqdisho kaga dhawaaqay inay dhisayaan Dowlad Islaami ah
Jowhar (HAN): Wasiirka warfaafinta Xukuumadda FKMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si weyn u dhaleeceeyay Golaha midnimada iyoBbadbaadinta Umadda Soomaaliyeed oo ah urur ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin, culumada diinta iyo aqoonyahano kuwaasoo Muqdisho dhowaan kaga dhawaaqay in ay dhisi doonaan Dowlad Islaami ah.
Wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxa uu dhaleeceeyey shir dhawaanahan uga socday xubnaha golaha midnimada iyo badbaadinta umadda Soomaaliyeed magaalada Muqdisho, waxaana uu cadeeyey in golahan uu ka shaqeynayo dhibaato cusub oo dalka lugaha la galo.
Mr. Maareeye waxa uu tibaaxay haddii golahan uu doonayo in uu badbaadiyo umadda Soomaaliyeed ay tahay in uu taageero Dowlada Federaalka oo mudo laba sanadood iyo in ka badan loo fadhiyey dhismaheeda, waxaana uu ku taliyey in la joojiyo talaabooyinka lagu jahwareerinayo bulshada Soomaaliyeed.
Eedeymahan uu jeediyey Mr. Maareeye xilli ay warar kala duwan ka soo baxayaan shirka uga socda xubnaha golaha midnimada iyo badbaadinta umadda Soomaaliyeed magaalada Muqdisho, kaasoo dadka qaar ay sheegayaan in lagu dhisi rabo dowlad cusub oo ay ilo ku dhow shirkaasi sheegeen in dalka ay ku maamuli doonto sharciga Islaamka.
Xoghayaha guud ee golahan Midnimada iyo Badbaadada Umada Soomaaliyeed Xuseen Siyaad Qoorgaab ayaa sheegay in mudada uu socdo kulankan si weyn looga doodi doono sida wax looga qaban karo xaalada cakiran dalka Soomaaliya, sababihii keenay bur burkii Dowladihii soo maray Dalka iyo sida ugu macquulsan ee loo heli karo qaab ka duwan qorshayayaashii hore oo lagu badbaadin karo umada Soomaaliyeed.
Xuseeen siyaad Qoorgaab waxa uu sheegay golahani inuu aaminsan yahay in Dalka Soomaaliya laga hirgaliyo Nidaam islaami ah si looga baxo dhibaatada iyo tafaraaruqa.
Golaha midnimada iyo badnaadinta umadda Soomaaliyeed waxa xubno ka ah shaqsiyaad si weyn looga yaqaano magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka, waxaana ka mid ah Sheekh Xassan Daahir Aweys, ganacsade Abuukar Cumar Cadaan, Jen. Jaamac Maxamed Qaalib iyo xubno kale oo wasiiro ka ahaa Dowladii Jen. Maxamed Siyaad Barre.
Barre Hiiraale oo u Jeeda Jowhar,
Sidii uu uga hordagi Lahaa Sharifka
Muqdisho (HAN): ilo muhiim ah oo naga soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in xiriir Telefon uu dhexmaray Madaxweynaha Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Wasiirka Dib u dajinta iyo dib u dhiska Col. Barre Aadan Shirre (Hiiraale) kaasoo ay kaga wada hadleen qaabka fikradaha labada dhinac dowladda loo mideyn lahaa .
Barre Hiiraale oo maamula Gobolada Jubbooyinka ayaa isku dayaya qaabkii uu ugu qancin lahaa xubnaha Dowladda ee ku sugan Muqdisho qaabkii ay wadahadal ula furi lahaayeen xubnaha kale ee ku sugan Jowhar .
Waxaa uu kulamo qarsoodi ah la qaatay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha hubeysan ee ku sugan Muqdisho oo qaarkood la xaqiijinayo in ay ka soo dabceen mowqifkooda lana doonayo in madal lagu wada hadlo loo furo iyaga iyo Madaxweyne C/laahi Yuusuf si loo xaliyo khilaafka u dhaxeeya dowladda.
Barre Hiiraale ayaa kulamo is xiga la yeelanayay Todobaadkii aynu ka soo gudubnay ilaa iyo xalay wasiirka Amniga Qaranka Max�ed Qanyare Afrax, wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, iyadoo looga hadlayey kulankaas inta badan wada hadal uu soo badnigay Barre Hiiraale in lala yeesho Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo uu sheegay inuu xiriir la soo sameeyey.
ilo muhiim ah ayaa waxa ay sheegayaan in wasiiradan ay ogolaadeen wadahadal lala yeesho madaxweyne C/llaahi Yuusuf ,bale waxa ay shuruud kaga dhigeen in laga war dhowro inta uu ka imaanayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo iminka socdaal ku jooga Magaalada London , waxaana la filayaa in wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka ay dib ugu soo laabtaan Muqdisho dabayaaqada Todobaadka nagu soo aadan.
ilo wareed kale ayaa waxa ay sheegayaan in Col. Barre Hiiraale uu isku diyaarinayo saacadaha nagu soo aadan socdaal gaaban uu ku tago Magaalada Jowhar si uu halkaasi kulamo ugala soo yeesho xaaladda dalka Madaxweyne C/llaahi Yuuusf iyo R/wasaare Geedi.
Maleeshiyaat hubeysan oo xirtay Wadada Buundada weyn ee Magaalada Baladweyne.
B/weyn: Tiro badan oo Maleeshiyooyin ah oo hoos taga Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa maanta xirtay wadada weyn ee aargada Buundada Balad weyn ee xarunta Gobolka Hiiraan .
warka ayaa waxa uu sheegayaa in halkaasi loo diiday gawaarida Blka iyo kuwa safarka in ay ka talaabaan,inkastoo dadka socotada ah ay halkaasi mari karaan.
Xiritaanka aargada buundo weynta Bariga magaalada B/weyne ayaa la tilmaamay in ay la xiriirto dibad bax shalay ka dhacay magaalada B/weyne oo looga soo horjeeday madaxweyne C/laahi Yuusuf, Ra'isulwasaare geedi, Yuusuf Dabageed oo ah gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo Gudoomiyaha gobolka sh/dhexe Max'ed Dheere, waxaana halkaasi lagu gubay sawirada mas'uuliyiintaasi, iyadoo dibad baxa looga soo horjeeday xariga abaanduulaha maleeshiyada Reer Hiiraan ee ku sugnaa xerada Congo ee degmada Jowhar oo xabsiga ay u taxaabeen maamulka Max'ed Dheere balse la sii daayay, iyadoo haatan mas'uulkaasi uu ku sugan yahay meelo ka mid ah gobolka Hiiraan.
Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada B/weyne ayaa waxa ay sheegayaan in roobab xoogan oo halkaasi ka da'ay ay khasaare u geeysteen 3 guri oo ah kuwa cowshadaha ka sameysan oo ay ku noolaayeen dadka soo barakacay.
(HAN)
Madaxweyne Yusuf oo xilkii ka qaaday Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya
Dr. Culusow
Jowhar (HAN): Madaxweynaha dowladda FKMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa wareegto uu soo saaray xilka kaga qaaday Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Dr. Maxamuud Maxamed Culusow.
wareegtadan uu soo saaray Madaxweyne Yuusuf ayaa waxa ay tixraac u tahay eedeymo mas'uulkani loo jeediyay oo la xariirta inuu amar diido ku sameeyay hadal ka soo yeeray R/wasaare Geedi.
Was saxaafadeed uu soo saaray Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Somaliya Dr. Max'uud Maxamed Culusow ayaa waxa uu ku sheegay in ay tahay mid aan dastuurka waafaqsaneyn oo sharci darro ah wareegto 24 kii bisha Sep, 2005 ta uu soo saaray Madaxweynaha dowladda FS oo tirsigeedu uu ahaa 0011-jamhuuiriyadda Somaliya oo isaga xilka lagaga qaaday in ay tahay mid aan shaqey karin Xilligan .
Waxa uu sidaa ugu tilmaamay, isagoo sheegay hadii la tixraacayo dastuurka federaalka Somaliya iyo qodobka 6aad ee bankiga dhexe ee la soo saaray 19 kii October 1968 dii in wareegtada madaxweynaha ay tahay mid sharci darro ah, isagoo ku sifeeyay awood ku tumasho, waxa uuna xusay in uu wali isagu yahay Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Somalia.
Dr. Culusow warsaxaafadeedkaan uu soo saaray ayaa waxa uu ku xusay in qodobka 15aad ee bankiga dhexe in uu tilmaamayo in Gudoomiyaha Bankiga dhexe awooda lagaga saari karo, iyadoo la soo raacayo hanaanka markii hore loogu dhiibay xilka, isagoo xusay in qodobka 44aad ee dastuurka FS uu farayo in xilka qaadistiisa ay noqoto mid la soo maro dastuurka.
Waxa uu sheegay xilka madaxweyne C/laahi Yuusuf uu ka qaaday in aysan ansixin golaha wasiirada ee dowladda FS oo ay aheyd buu yiri in la soo marsiiyo.
Waxa uu sidoo kale uu ku tilmaamay eedeeyn tilmaameysay in amar diido uu ku sameeyay Ra'isulwasaare Geedi ay tahay mid aan sal la heyn oo la soo dhoodhoobay, waxa uuna sheegay in Madaxweynaha talaabada uu qaaday ay aheyd mid aan cidna lagala tashan, waxa uuna sheegay in aan la siin fursado uu kaga hadlo eedeeynta been abuurka ah ee isaga laga sameeyay.
waxaa sidoo kale Gudoomiyaha Bankiga dhexe warsaxaafadeedkiisa qoraal uu soo raaciyay oo tilmaamaya awoodiisa uu ku sheegay in uu su'aalo uu ka keenay doorka uu leeyahay wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga C/risaaq Jurille iyo Agaasimaha maaliyadda iyo maamulka xafiiska Ra'isulwasaaraha Mr. Maxamed Amrriko, oo uu sheegay in ay iyagu ay qeyb ka yihiin ragga iyagu qorsheynaya hanaanka miisaaniyadeed ee dowladda FS, waxa uu sheegay taasi in ay tahay mid aan loo baahneyn isla markaana isaga iyo xubnaha kale ee la shaqeeya ay tahay in ay diyaariyaan waxwalba oo ku saabsan miisaaniyadda iyo lacagaha loo sameynayo cusub ee wadanka Somaliya.
Waxaa kale uu sheegay ins i weyn uu uga cowday inta murankaan uu soo socday xisaabaad laga furtey bankiyo shisheeye oo ay sameeyeen qaar ka mid ah waaxyaha dowladda, waxa uuna sheegay in taasi ay ka hor imaaneyso waaxyaha dowladda. waxa uuna ka codsaday madaxweyne C/laahi Yuusuf in uu joojiyo talaabooyinkaasi balse laga dhaga fureystay soo jeedintiisa.
|