|
Wakaalada
wararka ee HAN & Wargeyska Geeska: Booqashada xamar ee
Wakiilka Qaramada Midoobay & Garabka dawlada ee uu
hoggaminayo Qanyare, suudi iyo Sifir
|
Qanyare oo kutilmaamay Dowladda FS Aroos Qorshihiisu Dhamaaday, Dagaalna Ubilowday
Mogadishu, Somali (HAN) 28kii Oktober, 2005-:
Wasiirka amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax ayaa
maanta si aan la fileyn uga jawaabay hadal ka soo yeeray R/wasaare
Geedi oo uu ku sheegay in Kenya uu kula soo heshiiyay in la
cunaqabateeyo dhinaca duulimaadka garoonka diyaarada Dayniile ee
duuleedka Magaalada Muqdisho.
Maxamed Qanyare oo la hadlayay saxaafadda Muqdisho isagoo ku
sugan Gurigiisa ku dhow garoonka Dayniile oo magaalada ka fog ku
dhawaad 15 Km ayaa ku nuux nuuxsaday in Dowlad Federaal ah wax la
yiraahdo aaney dalka ka jirin ,oo aanu aqoonsaneyn C/llaahi Yuusuf
iyo Cali Maxamed Geedi , waxaa uuna ku sheegay inay dusha u ridan
doonaan wixii dalka ka dhaca ee dagaal .
Qanyare ayaa si layaab oo qosol ay ku jirtay ku yiri �Warka
waxaa Kenya u geeyay Cali Maxamed Geeddi iyo C/llaahi Yuusuf, iyagaa
ayaa dacwada geystay, iyaga ayaa loo haystaa, marka haday doonaan
yey u naxariisin Garoonka, Kenya haddii Diyaaradaha soo galaan
hawada soomaaliya amaankooda ma sugi karto, marka ma aha hadal micno
leh �ayuu yiri Qanyare oo sii raaciyay hadalkiisa in garoonkiisa
maalintiiba ay ka soo degi jireen kana duuli jireen ku dhawaad 10
diyaaradood nooca qaadka Keena ay u badnaayeen .
Wasiirka Amniga Qaranka oo inta uu hadalka watay iska dhoola
cadeynayay ayaa yiri �Madaxweyne ma jiro, Ra�iisal Wasaare
majiro, Anagana wasiir ma nihin, Arooskaas waa dhamaaday,
waxaannahay Labo koox oo dagaalamaysa, marka Shineemo Madaxweyne waa
xiran tahay�.
Qanyare ayaa dhinaca kale ku eedeeyay Golayaasha Jowhar inay
lacago faalso ah ay soo sameysteen si ay u abuuraan sicir barar ,
waxa uuna sheegay in Magaalada Boosaaso ay taalo Makiinad Lacagta
lagu sameeyo.
Xiritaanka loo geystay Garoonka Dayniile ayaa ah hadalka ugu
badan ee maanta ay iskula sheekeysanayeen dadka Muqdisho iyo
saansaanta dagaal ee dalka ka soo muuqaneysa.
Geedi oo sheegay in Shirka
wasiirada IGAD uu ka dhici doono dhowaan Magaalada Jowhar
Jowhar (HAN): R/wasaaraha
Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo galabta shir
jaraa�id ku qabtay Magaalada Jowhar ayaa waxa uu sheegay in ay
ayaan daro tahay hadalada ka soo yeeray xubno ka tirsan Xukuumadda
oo ku sugan Muqdisho kuwaasoo ku hanjabay in madaafiic la beegsan
doonaan diyaaradaha , waxaa uuna sheegay in la gaaray xilligii
sharciga uu shaqeyn jiray ,lagana gudbay xilligii dagaalka .
Geedi ayaa sheegay in wax dhexdhexaadin oo laga dhex wado
Dowladda FS aaney jirin , waxa uuna isweydiiyay cidda la dhex
dhexaadinayo , isagoo sheegay in Dowladda ay heshiisay iskuna
waafaqday in la hergeliyo wixii lagu soo dhisay Kenya .
R/wasaare Geedi ayaa xusay in bisha nagu soo aadan lagu qaban
doono magaalada Jowhar shirka wasiirada arimaha dibadda Urur
Goboleedka IGAD , isla markaana laga furi doono Xafiiska Jaamacadda
carabta ee Soomaaliya .
R/wasaaraha ayaa waxaa uu sheegay in isbadal uu dhacay , loona
baahan yahay in la taageero wixii nabadda khuseeya .
Saalim Caliyow
Ibrow oo Cadeeyay in Dowladda FS ay ku howlan tahay farsameynta
Lacago cusub
Jowhar: R/wasaare ku xigeenka
ahna wasiirka maaliyada dowladda FKMG ah ee Soomaaliya Prof. Saalim
Caliyoow Ibroow ayaa daboolka ka qaaday in ay siyaasadda dowlada mid
tahay sidii ay dalka ugu samayn lahaayeen lacago cusub oo shillin
Soomaali ah.
Prof: Saalim Caliyoow Ibroow oo maanta u waramayay saxaafadda
gudaha ayaa sheegay in dowladda kMG ah in ay u baahan tahay lacago
cusub oo ay ku maarayso adeegyada kala duwan oo ay dadka iyo dalka u
qabanayso.
Waxaana uu tibaaxay in ay dowlada FS haatan ku guda jirto qiimayn
ku aadan qaabkii loogu sameeyn lahaa lacago cusub oo shillin
Soomaali ah ,hayeeshee waxaa uu hoosta ka xariiqay in soo samaynta
lacago cusub in ay ka horayso daraasadeyn ku aadan xaaladda la
marayo ee dhinaca dhaqaalaha, isagoo sheegay in dowlada ay ku howlan
tahay sameeynta fikir macquul ah oo aan sicir barar u dhicin hadii
ay keento lacago cusub.
Ra�iisal wasaare ku xigeenka DKMG ah ahna wasiirka wasaarada
maaliyada Prof Ibroow waxaa uu ku cel celiyay in ay beesha caalamka
ay ka haystaan balan qaadyo fara badan oo ku aadan sidii Soomaaliya
dhinaca dib usoo kabsashada looga taakulayn lahaa,
Maxamed Dheere oo
ku sheegay Indhocadde nin xaq daro ku heysta Gobolka Sh/hoose
Jowhar: Gudoomiyaha Maamulka Siyaasadda gobolka sh/dhexe
Maxamed Cumar Xabeeb( Maxamed dheere) ayaa ku tilmaamay maamulka
gobolka Sh/hoose mid aan si sharci ku joogin gobolkaasi, sidaasi
daraareedna aanu wax xiriir siyaasadeed iyo mid iskaashi ah la
yeelanaynin.
Max�ed dheere ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay inuu si
xoog ah uu sheikh Yuusuf Indha Cadde uu ku haysto wax uu ku sheegay
maamulka gobolka sh/ hoose.
Waxaana uu tibaaxay inaanay marnaba suuragalaynin in uu lo
midoobo Indha Cadde oo uu ugu yeeray in in kabadan kun KM uu ka soo
safriyay isbaaro sharci darro ah oo uu keenay Deegaan aaney dadkiisa
ku dhaqaneyn , hase yeeshee waxaa uu ku nuux nuuxsaday in uu diyaar
u yahay in uu taageero dadka deegaanka ah ee gobolka Sh/ Hoose
haddii ay iyaga maamulka gobolkooda hantaan.
Hadalkan Max�ed dheere ayaa soo baxay maalin ka dib markii
Maxamed Dheere uu heshiis wax wada qabsi la saxiixday maamulka
Gobolka hiiraan , waxaana ay ku soo beegmatay xilli uu Sheikh Yuusuf
uu dalka dibadiisa ku maqan yahay isagoo ku sugan dalka boqortooyada
Sacuudi carabiya.
Cadde Gaabow oo ka digay
Maamulka Cusub ee looga dhawaaqayo G/Banaadir
Muqdisho: Maxamed Xasan Cadde Gaabow oo ah Guddoomiyaha
Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ka digay isku
dayada lagu doonayo in maamulkiisa lagu kor magacaabo Maamul cusub
oo ay ka shaqeynayaan xubnaha Golayaasha Muqdisho.
Cadde Gaabow ayaa ku baaqay inay faraha kala baxaan Golayaasha
Muqdisho howlaha aanu khuseyn .
Guddoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan
Cali Cadde �Gaabow� oo dhowaan u suura gali weysay inuu fariisin
ka dhigto Xarunta Maamulka G/Banaadir ayaa sheegay in qof walba uu
leeyahay howl iyo xil u gaar ah loona baahan yahay in lagu taageero
xilkiisa guddoominimo.
Arintani ayaa waxa ay soo baxday xilli Golayaasha Muqdisho ay soo
saareen Xeerar lagu maamulayo G/Banaadir kaasoo ay soo bandhigeen
guddi horey loogu xilsaaray in ay ka soo baaraan degaan qaabka
maamulka loogu samaynayo G/Banaadir, oo uu madax u ahaa wasiirka
ganacsiga Muuse Suudi Yalaxoow, hase ahaatee sharcigan ayaa waxaa
gaashaanka u daruuray Golayaasha Dowladda ee Jowhar .
Shariif Xasan oo
sheegay in wadahadal uu la yeesho dhinaca Jowhar ay garwadeen ka
noqoneyso Q.M
Helsinki :Guddoomiyaha Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya
Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa ku adkeystay in heshiis aan beesha
caalamka garsoore ka ahayen aanu la galeynin marnaba xubnaha
dowladda ee fikirka ay ku kala duwan yihiin.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan
oo haatan ku sugan dalka Finland ayaa sheegay inuu kulan uu la
yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka wadankaas iyo weliba Ninka Africa
u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda wadanka Finland uu sheegay
inay ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo safarkiisa uu ku soo
beegmay xilli xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay soo
dhexgashay jahwareer dhinaca siyaasada ah kadib markii xildhibaano
ka tagay magaalada Muqdisho iyo kuwa Jowhar ka yimid ay isugu tageen
magaalada Nairobi ayna sheegeen inay halkaas ku wada kulmeen.
Yemen oo ka digtay
in Tahriibayaasha Soomaalida ay ku soo dhexdhuuntaan kooxo
argagaxiso ah
Sanca : Madaxda amaanka Dowladda Yemen ayaa waxa ay ka digeen
in Tahriibayaasha ka soo socdaalka Soomaaliya ay ku soo dhex
dhuuntaan kooxo argagaxiso ah oo wax u dhimeysa amaanka Yemen .
Col. Naasir Alcazaani oo ah Madaxa amaanka Siyaasada Gobolka
Shabuuh ee dalka Yemen ayaa waxa uu sheegay in dadka badan ee
qaxootiga afrikaanka ah ee ku soo qulqulaya gobolkooda ay sababi
karaan dhibaatoyin amaan daro , isagoo cadeeyay in tiro badan dadka
soo barakacay ee Soomaalida uu xirir kala dhaxeeyo Ururka Alqaacida
, mana foga ayuu yiri sarkaalkan waqtiga ay ku dhaqaaqi lahaayeen
howlgalo lagu burburinayo shirkadaha caalamiga ee ku yaala Gobolka
Shabuuh , taasoo uu sheegay inay qeyb ka tahay hub is weydaarsiga
iyo kala iibsiga ka soconaya Yemen .
Sarkaalkan ayaa waxa uu ka codsaday dowladda Yemen inay sameyso
howlo la isugu dubaridayo dadka tahriibka ku yimid Yemen , iyo in
laga hortago kuwa kale ee weli ku hanweyn inay Xeebaha Gobolka
Shabuuh ku soo galaan sharci daro .
Col. Rukni Maxamed Saciid Almicwaak oo ah abaanduulaha guutada
ilaalada ka ah xeebaha Gobolka Shabuuh ayaa isna waxa uu ka digay
dadka qaxootiga ee ka socday dalal ku yaala afrika si gaar ah
Soomaaliya ee weli sharci darada ku imaanaya Yemen .
Mas�uulkani Yamaniga ah ayaa waxa uu sheegay 80 % dadka
Ethopianka ah ee soo gala Yemen ay yihiin dad sida Viruska HIV
Aidska , waxa uuna intaasi ku daray in tirada doomaha ay ku
howlgalaan ciidamada ilaalada xeebaha Yemen ay gaarayaan oo qura 13
doomood balse ay u baahan yihiin taageero qalab kale iyo in xal laga
gaaro qaxootiga weli ku soo fool leh Xeebaha Gobolka Shabuuh.
Hase ahaatee Xoghayaha guud ee Golaha maamulka Gobolka Shabuuh
Dr. Naasir Muxsin Baacoom ayaa waxa uu sheegay in ay uga baahan
yihiin Dowladda Yemen inay maamulkooda ku saacidaan diyaarado ka
qeybqaata howlaha ilaalada lagaga qabanayo xeebaha si loo helo
iskaashi dhexmara qeybaha amaanka si looga hortago carqalado dhaca
nooc kasta oo ay noqdaan sida uu qoray wargeyska Alayaam ee ka soo
baxa dalka Yemen .
|