Journalkii ugu Horeyay- Xora Lagu Dabaco  Geeska Afrika 1985  
 Radio Hargeisa

Hoggan La'aani Waa Hagaag La'aan.

Sheikh Muxumed Sheikh Warfaa Soogaan (1820-1923)

 

Cali Cabdi Cali Suxeyfa

Cali Suxeyfa (Geeska Afrika Magzine & HAN) Mogadishu Office

 han@geeskaafrika [email protected]

HAN: Horn Africa Newsline

Ilaalinta  xuquuqda wariyayaasha dalalka IGAD

kala xidhiidh  [email protected]

 
War Qore: Jamal Sh. Abiib (Bogga Somaliga - Addis, Hargeisa, Jawhar & Djibouti) 

Wararka Safka Hore ee Geeska Afrika: Hogamiyayaal Soomaliya oo lasheegay inay Tageero kahelaan Saraakiil Mareykana. Isbahaysiga Dooxada Juba oo iibsaday Doonyaha Dagaalka

FIIRO GAARA: 

Somaliland &  xidhiidhka  Ethiopia ee Dekeda Kadib markii Taajirka Iska dhalka ah ee Ethiopia & saudi Arabia uu keenay aagti cusub oo isticmaalka Bada Somaliland

Isbahaysiga Dooxada Juba oo iibsaday Doonyaha Dagaalka Bada: .

HAN & Geeska Afrika -- Somalia & Egypt

 Wakaalada wararka ee HAN & Wargeyska Geeska Afrika Online: 
Somaliland & xidhiidhka Dalka Ethiopia ee Dekedaha. Kadib markii Taajirka Iska dhalka ah ee Ethiopia & saudi Arabia uu keenay aagti cusub oo isticmaalka Bada Somaliland


Wafdiga uu Hoggaminayo Gudoomiyaha Barlamaanka oo Jooga Finland

Mogadishu, Somali (HAN) 27kii Oktober, 2005: Wafdi uu hoggaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliyeed mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Helsinki oo ah caasimadda wadanka Finland. Wafidaga uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa waxey kala yihiin:

Wasiirka isku xirka baarlamaanka iyo dowladda Md. Pro. Cabdirahmaan Ibraahim Aadan �Ibbi�

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji

Xildhibaan Caasho Axmed Cabdalla

Xildhibaan Cabdifitaax Maxamed Faarax

Xildhibaan Cismaan Ibraahim Cismaan

Mudane Maxamed Shiikh Xasan xogheynta gudoomiyaha.

Diyaaradda wafdiga waday ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha waxaa loo soo dhaweeyay si heer qaran ah oo ay ku jirto dowladnimo. Waxaa diyaaradda hoosteeda uga hortegay wafdiga muwaadiniin soomaaliyeed oo isu xil saaray howsha soo dhaweynta wafdiga. Waxaa wafdiga qolka martida VIP ee garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeeyey mudane Jaakko Hissa oo ka wakiil ahaa gudoomiyaha baarlamaanka Finland mudane Paavo Lipponen. Gudoomiye Shariif iyo Jaakko waxey halkaas isku weydaarsadeen hadallo gaagaaban oo isugu jiray soo dhaweyn iyo martiqaad.

Wafdiga ayaa xalay kula afuray xarunta dhalinyarada ee Kanava qaar kamid ah jaaliyadda soomaaliyeed ee deggan magaalada Helsinki iyo agagaarkeeda. Gudoomiyaha baarlamanka mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa afurkaas kadib wuxuu hadal gaaban oo isugu jira salaan iyo mahadcelin ugu soo jeediyay dadkii soo qaban qaabiyey kana soo shaqeeyay booqashadooda iyo guud ahaan jaaliyadda soomaaliyeed ee wadanka Finland. Booqashada iyo kulamada wafdiga ee wadanka Finland kala soco halkaan goor dhow.

Isbahaysiga Dooxada Juba oo iibsaday Doonyaha Dagaalka Bada

Kismaayo (HAN): Maamulka isbaheysiga D/Jubba ayaa soo iibsaday Doomo ay ku rakiban yihiin qoryo kuwaasoo la sheegay inay yihiin nooca dheereeya, iyadoo isbaheysigu uu Doomahaan u soo gatay inuu ku ilaaliyo Xeebaha Badda inta ay ka maamulaan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee isbaheysigaas C/raxmaan Xaaji Waldiiro ayaa saxaafadda Muqdisho u sheegay isagoo jooga magaalada Kismaayo in Doomahaan ay ka soo gateen dal shisheeye, basle wuxuu ka gaabsaday Waldiiro inuu carabaabo dalka ay ka soo iibsadeen.

�Waxaan u soo gadanay Doomahan inaan ku wardiyeyno oo aan ku ilaalino Badda iyo Xeebaha ku teedsan inta maamulkeenu gaaro, waayo burcaddii waddooyinka ayaa isku beddeshay burcad badeed� ayuu yiri C/raxman Waldiiro oo sidoo kale sheegay in shalay ay soo uruuriyeen lixdan sarkaal oo ka tirsanaan jiray ciidamadii Badda ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay C/raxmaan Waldiiro in saraakiishan Mariiniska ah loo diyaarinayo inay galaan Badda, isla markaana ay Doomahaan farta laga saaro si ay ula dagaalamaan burcadda, isagoo sheegay Waldiiro in shalay uu khudbad dheer u jeediyey saraakiishan Mariiniska ah wasiirka dib u dajinta iyo dib u dhiska ahna Guddoomiyaha isbaheysiga D/Jubba Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale).

Wuxuu sheegay C/raxman Waldiiro in afartan Doomood labo ka mid ah ay hadda soo gaareen, labada kalana ay sugayaan, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay in Doomaha ay qeyb ka yihiin kuwii la sheegay inay soo gadatay dowladda FKMG ah ee Soomaaliya Garabka Jowhar.

Golayaasha Dowladda ee Jowhar oo mushaar la siinayo

Jowhar (HAN): Xubnaha labada gole ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya kuna sugan magaalada Jowhar ayaa la filayaa in la siiyo lacago mushaaraad ah.

Ilo muhiim ah oo aynu helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Ra�iisul wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Cali Max�ed Geeddi oo shalay soo gaaray magaalada Jowhar uu wado lacag ay ugu deeqday Jaamacadda Carabta taasoo qeyb ka mid ah loogu tala galay in gunooyin loo siiyo xubnaha dowladda ee bilooyinkan aan qaadan wax mushaar ah.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in xubnahan la siiyo wax xoogaa lacag ah inkastoo aan la shaacin cadadka lacagta loogu tala galay, balse waxay wararku sheegayaan in Xildhibaankii yimaada Jowhar la siinayo mushaarkaasi, taasoo meesha ka saareysa xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho haddii aysan Jowhar wax u doonan.

Saraakiil Soomaali ah oo Tababar Boolis loogu qaadayo Dalka Talyaaniga.

Jowhar: 40 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa tababar loogu dirayaa dalka Talyaaniga iyadoo tababarkan ay ku deeqday Xukuumadda Roma.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Madoobe oo la sheegay inuu howl shaqo ku marayo Qaaradda Yurub , shalayna soo gaaray Magaalada Nairobi ,maantana lagu wado inuu yimaado Jowhar ayaa diyaarinaya ciidamadan Booliska ah ee tababarka loo geynayo Talyaaniga.

Ilo ku dhow dhow Taliyaha ayaa Waxa ay xaqiijiyeen in saraakiishan tababarka loo geynayo Talyaaniga loo kala qeybiyey qaar ka mid ah Gobolada Soomaaliya, halka wararka ay sheegayaan inay bilaabatay halkii sarkaal ee tababar loo qaadi lahaa booskiisa uu iibsanayo oo uu siisanayo 2kun oo doolarka Mareykanka ah .

Gobolka Banaadir ayaa la sheegay in laga qaadayo 9 Sarkaal, halka Gobolka Sh/ Dhexe-na laga qaadayo 5 sarkaal, Jubbada Hoose-na laga qaadayo 3 sarkaal iyo maamul Goboleedka Puntland oo isna laga qaadayo saddex iyo 13 sarkaal.

Saraakiishan ayaa la filayaa in dhamaadka bishan loo qaado dalka Talyaaniga, halkaasoo ay ku soo qaadanayaan tababar dhinaca Booliska ah, iyadoo haatan ka hor lixdan sarkaal oo Boolis ah tababar loo geeyey dalka Yugandha dibna ay ugu soo noqdeen gudaha dalka Soomaaliya, waxa ayna haatan ku sugan yihiin Degmada Jowhar.

Cabdi Qeybdiid oo ku soo guryo noqday Muqdisho

Muqdisho (HAN): Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa maanta Muqdisho kaga dhawaaqay in uu raadsanayo xuquuqdiisa lagu xadgudbay ka dib markii lagu xabisay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden oo uu ku xirnaa mudo 4 cesho ah.

Col. Qeybdiid oo ka qeybgalay kulan isaga lagu soo dhaweynayay oo ka dhacay magaalada Muqdisho waxyar ka dib markii uu ka soo dagay garoonka Balidoogle ayaa sawir ka bixiyay siyaabihii qabashadiisa 4 tii cesho ee uu xirnaa dacwooyinkii lagu soo oogay iyo sii deysmadiiisa, waxa uuna sheegay in labo qodob ay soo saartay maxkamada magaalada Gothenburg lagu cadeeyay inaanu isagu wax dambi ah haba yaraatee kulaheyn eedaha loo soo xirey

Col. Qeybdiid oo ah ninkii ugu horeeyay ee lagu soo oogo dacwad la xiriirta dagaalo uu galay iyo gumaad uu geystay ayaa waxa uu sheegay in dacwada oo ku cadaan weysay owgeed oo markaan isaga dacwad qaba, dowlada Swedena uu weydiisan doono xarigii lagula kacay.

taliyaha booliska ee uu magacaabay Wasiirka amniga Qaranka Col, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxa uu sheegay in dhibaatooyinkii kala soo gudboonaaday xarigii lagula kacay intii uu joogay dalka Sweden in uu ku iloobay dadaalkii faraha badnaa ee dibadda iyo gudahaba dadka Soomaaliyeed ay u galeen sii deysmadiisa.

Wasiirka ganacsiga dowladda FS Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in xariga Cabdi Qeybdiid uu ahaa mid siyaasad la xiriirey oo siyaasadda la isku hayana ee kala dajiyay dowladda FS Muqdisho iyo Jowhar ay iyagu kaga dambeeyaan xal ka gaaristiisa Jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa.

Muuse Suudi ayaa amaanay Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu sheegay in uu yahay nin ku taagan hirgalinta waxyaabihii Soomaalida ay ku soo heshiisay, isagoo Madaxweynaha ku eedeeyay in uu yahay nin xagal daacinaya dowladii lagu soo dhisay dalka Kenya oo horumar la'aanteeda hal sano ka dib ay isaga eebsaneyso.

Guud ahaan kulanka Soo dhaweynta Col. Cabdi Qeybdiid oo dadkii ka hadlay ay ka mid ahaayeen Col. Cumar Xaashi Aaadan iyo Xubno kale ayaa ku dhamaaday farxad ay muujinayeen Taageerayaasha Cabdi Qeybdiid.

Hogamiyayaal Soomaliya oo lasheegay inay Tageero kahelaan Saraakiil Mareykana
Jabuuti (HAN):
Wargeys ka soo baxa dalka Swizerland ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Mareykanka ee ku sugan geeska Africa ay tyaageero siiyaan qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha Soomalida, inkastoo magacyada hogaamiyeyaashaas aan lagu shaacin wargeyska.

Wargeyska lagu magacaabo Neue Luzerner Zeitung. Oo ka soo baxa dalka Switzerland ayaa waxa uu sheegay in ciidamada isbaheysiga Mareykanka uu hogaaminayo ee ku sugan geeska Africa ay ku guuldareysteen in ay ka soo qabtaan Somaliya shaqsiyaad lagu eedeeynayo in argagixisada xiriir ay la leeyihiin.

Wargeyska Neue Luzerner Zeitung.ayaa sheegay in siyaasadda Mareykanka ee ku aadan la dagaalanka Argagixisada Somaliya aaney ka soo bixin ilaa iyo iminka jawaabo caqli gal ah tan iyo markii xukuumadda Washington fariisin ciidameed ay ka dhigatay xeebaha Jabuuti.

Joogista Ciidamada Mareykanka ee Geeska Afrika ayaa lagu sheegay in ay howlgalo ka fuliyaan dalalka Ereterea, Ethiopia iyo Somaliya, iyadoo loo ogol yahay in ay soo gacan galiyaan xubnaha lagu eedeeynayo in ururada ay hogaamiyaan xiriir uu kala dhaxeeyo argagixisada, waxaana wargeyska uu sheegay in saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ay taageero siiyaan hogaamiyeyaasha dagaal ee Somaliya oo aan dan ka laheyn daganaasho iyo Amaan guud oo lagu soo dabaalo Somaliya.

Beesha Caalamka ayaa waxa ay walaac xoogan ay ka muujisay in Somaliya ay isku rogto sidii Afghanistan oo kale, iyadoo ciidamo Mareykan ah ay ku sugan yihiin xeebaha Jabuuti aanu tageero ka heysan dadka ku nool Ereterea, iyadoo dhinaca kale Mareykanka taageero uu siiyo Ethiopia oo cadowtooyo ay kala dhaxeyso Eritrea, halka dalka Somaliya aaney cidi u soo jeedin in isbadal uu ka dhaco.

Caqabad ka taagan Mushaar la siin Lahaa Ciidamada Dowladda FS ugu xareysan Xerada Kongo ee Sh/dhexe

Jowhar (HAN): Ilo muhiim ah oo aynu ka helnay Magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in Mushaar la siin lahaa maleeshiyooyinka tababarka uga socdo xerada Koongo uu u xaniban yahay arrin ku lug leh arimaha ciidanka u shaqeeya maamulka Gobolka Sh/ Dhexe.

Maleeshiyooyinka ku xareysan Koongo oo intooda badan laga keenay maamul Goboleedka Puntland iyo Gobolka Hiiraan ayaa soo qoridoodii lagula soo heshiiyey in mushaar ahaan loo siin doono bishii lacag ku dhow 150 Dollar taasoo haddii la siiyo ka careysiin karta ciidanka Gobolka Sh/Dhexe oo hadda qaata lacag aad uga yar lacagtaasi.

In kastoo muran ka taagan yahay qaabka loo xareeyey amaba loo soo qoray ciidankaasi ku xareysan xerada Kongo haddana maleeshiyooyin badan oo Gobolada dalka ku sugan ayaa quud dareynaya in ay iska xaadiriyaan xeradaasi haddii ay ka helayaan nolol ka roon mida hadda ay ku jiraan., waxaana arintan si weyn u daneynayay Maleeshiyooyinka Tirada badan ee Muqdisho ku sugan.

Cabdi qeybdiid oo Maanta ku soo jeeda Muqdisho

Dubai (HAN): G/sare Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo u magacaabay Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed wasiirka Amniga Qaranku Max�ed Qanyare Afrax iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda KMG ah ayaa maanta ka soo ambabaxaya dalka Imaaraatka Carabta gaar ahaan Magaalada Dubai oo uu xalay soo gaaray , waxaa uuna ku soo jeedaa magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Cabdi Qeybdiid oo muddo afar cisho ah ku xirnaa Xabsi ku yaala Dalka Sweden ayaa shalay dalkaasi ka soo duulay , isagoo xalay gaaray dalka Imaaraatka Carabta , waxaana lagu wadaa gelinka hore ee maanta inuu ka soo dego Garoonka diyaaradaha ee Balidoogle iyadoo ay halkaas ay iminka ku sugan yihiin soo dhoweyntiisa Maamulka G/banaadir ee Taabacsan Golayaasha Muqdisho iyo Guddiyo gaar ah oo loo xilsaaray isku dubaridka soo dhoweynta Qeydiid , waxaana saaka ka sii baxayay Muqdisho oo ku sii jeeday dhinaca garoonka Gawaari badan oo nooca dagaalka , kuwaasoo habeenkii uu soo gaaray warka siideynta Qeybdiid xabado kuwada ifiyay hawada Muqdisho.

G/Dhexe Cai Xirsi Barre oo ahaa Guddoomiyaha guddi nabadgelyo oo dhawaan sugayey Ammaanka banaanbax lagu dalbanayey in lagu siidaayo Cabdi Qeybdiid oo xirnaa xilligaasi kana dhacay Fagaaraha Tarabuunka Muqdisho ayaa xaqiijiyay inay u diyaar garoobeen soo dhoweyntiisa.

R/wasaare Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo oo xalay gaaray Jowhar

Jowhar (HAN): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in xalay maqribkii in wafdi uu hogaaminayay R/wasaare Cali Max�ed Geedi iyo xubno ka tirsan Golayaasha Dowaldda ay ka degeen Garoonka Diyaaradaha Jowhar , iyagoo ka soo duulay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya .

Ra�isulwasaare Cali Max�ed Geedi oo ay wehliyaan xubno ka tirsan xukuumadiisa oo uu ku jiro Ra�isulwasaare K/xigeenka dowladda FS ahna wasiirka maaliyadda Saalim Caliyow Ibrow iyo wasiirka arimaha dibadda C/laahi Sheekh Ismaciil oo labadoodu ay tahay markii ugu horeysay oo ay tagaan magaalada Jowhar tan iyo markii dowladda ku soo guryo noqotey magaaladaasi, waxaa sidoo kale ku jiray wafdiga Ra�isulwasaaraha Max�ed Cumar Dalxa oo isagu ah Gudoomiye K/xigeenka koowaad ee Baarlamanka isla markaana xaalad Caafimaad Owgeed uga maqnaa magaalada Jowhar.

Wafdiga R/wasaare Geedi ayaa waxaa kaloo ka mid ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka oo horey u joogi jirey magaalada Muqdisho kuna fikir ahaa xubnihii Muqdisho .

Socdaalka ra�isulwasaaraha ayaa yimid maalin ka dib yimid markii u qeybsanaha arimaha Somaliya ee Q.M Fall uu kalaguryo noqdey Soomaliya gacmo maran markii ay isku arkeen Magaalada Jowhar Madaxweyne C/laahi Yuusuf .

 

LA XIDHIIDH:  [email protected]

 

 
   
 
   
Copyright � 1985-2005 GEESKA AFRIKA ONLINE (SOMALI)  Managing Editor/Publisher: NK