IGAD HEADLINE NEWS -SOMALI

IGAD NEWS SOMALI

Breaking News: The information on this website was as accurate as possible when it was written, but situations change. We accept no responsibility for any loss, injury or inconvenience sustained by anyone resulting from this information. You should conduct your own research before traveling Somalia, Somaliland, Somali zone (Ethiopia), Puntland, Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Uganda, Sudan and Kenya and check for the latest information on critical issues such as regional security, visa issues with the relevant authorities before you leave.

Breaking News:

Somaliland

Ethiopia

Eritrea

Djibouti

Kenya

Somalia

Sudan

Uganda

Enjoy the website 

(IGAD Site)

 

 

The IGAD Indepedent Online Daily Somali News
Khilaafka Dhinaca Hogaanka ee Beelaha Hiiraan oo Xumaaday 
Mogadishu 24 Nov,2005 (HAN) Jowhar: Golayaasha Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Degmada Jowhar ayaa Guddi farsamo 

Dowladda Suudaan oo dhaqaale ku deeqday Soomaaliya

Dagaal kii ugu ba�anaa oo looga cabsi qabo inuu ka qarxo Magaalada Kismaayo 

Golaha amaanka oo Cunaqabateyn Dhaqaale maanta saaraya dalalka Ethiopia iyo Eritrea


WARARKA SAFKA HORE EE WADAMADA IGAD

Mogadishu (HAN) November 24, 2024--: War qoraal ah oo maanta ka soo baxay Duqowda dhaqanka , Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta Beesha Cabdi Yuusuf ayaa waxa ay ku sheegeen in arimaha khilaaf ee kala dhaxeeyo Garabyada kale ee Beesha Xawaadle lagu xalin doono marka ay ku kulmaan Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan , ee aanu lagu xalineyn Magaalada Muqdisho.

Warkan ayaa waxaa lagu sheegay in Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Beesha Cabdi Yuusuf ee ku dhaqan G/Banaadir ay ka shaqeynayaan abaabulka kulan balaaran oo beesha ay isugu imaaneyso Magaalada xarunta ah ee Baladweyne bilaha nagu soo aadan , iyadoo lagu sheegay in kulankaasi lagu casuumay dad ka kala imaanaya gudaha iyo dibadda .

Khilaafka dhinaca hogaanka iyo awoodaha Siyaasadeed ee ka dhex aloosan Beesha Xawaadle ayaa waxaa ay ku gacan seyreen Waxgaradka Beesha Cabdi Yuusuf ee Maanta ku shiray Muqdisho in khilaafaatka lagu dhameeyo G/banaadir ,iyagoo sheegay inaaney kulan la qaadan doonin Garabyada kale ee beesha Xawaadle ilaa iyo inta ay ka fushanayaan waxa ay ku sheegeen danahooda gaarka ah.

Bayaankani oo nuqul ka mid ah ina soo gaaray ayaa waxa ku saxiixnaa ilaa iyo 11 ka mid ah Waxgaradka Beesha Cabdi Yuusuf oo ay ka mid ahaayeen Col. Faarax Xuseen Cabdi , Maxamuud Cali Maalin , Maxamed Cumar Cabdi , Cabdi Cali Xooshow ,Xasan Nuur cabdi Banjar iyo Xubno kale .

Dagaal kii ugu ba�anaa oo looga cabsi qabo inuu ka qarxo Magaalada Kismaayo .

Muqdisho: Dagaal sadax geesood ah ayaa laga baqayaa inuu ka qarxo Gobolada Jubbooyinka oo wajiyo badan leh , iyadoo la shaaciyay in halkaasi laga sameynayo Maamul Islaami ah oo hoos tagaya Urur ilaa iyo iminka aanu magaciisa la soo bandhigin balse dhaqdhaqaaqiisa milatari dhowaanahan laga dareemayay konfurta Soomaaliya ilaa iyo inta ku dhow Xuduuda Kenya .

Halka labada waji kale ay yihiin Abaabul dagaal oo ka soconaya Muqdisho oo Hogaanka Isbaheysiga Dooxadda Jubba afka ciida loogu darayo , iyadoo talada Gobalada Jubbooyinka Gacanta loo gelinayo Jen. Maxamed Saciid Xirsi Moorgan oo iminka Taageero badan ka helay Maleeshiyooyinka Beelaha Hawiye markii in badan kulamo uu la

yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan oo weli ku sugan gurigiisa Xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee G/banaadir .

Arimahan ayaa waxa ay soo banbaxeen muddo gaaban ka dib markii Barre Hiiraale oo ah Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dajinta uu ku gacan seyray inuu heshiis la galo ninkii ay mucaaradada ka dhaxeysay ee Jen. Morgan oo taageero milatari ka helay rag ay horey cadowtooyo ugala dhaxeysay Morgan sida Ku xigeenka Dooxadda Jubba Yuusuf Mire Seeraar , Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha cadde iyo rag kale oo ka tirsan Hogaamiye kooxeedyada Muqdisho.

Xaalad qalalaase tii ugu ba�neyd ayaa ka taagan Konfurta Soomaaliya kadib markii Isbaheysiga Dooxadda Jubba uu ka galay heegan dhinaca amaanka ah weerar kaga yimaada dhinaca Muqdisho oo uu hogaamiyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladii hore ee Maxamed Siyaad Barre Jen. Maxamed Saciid Xirsi Morgan .

Ilo wareed ayaa waxa ay sheegayaan in Morgan uu markale damaacinayo in gacantiisa uu ku soo celiyo hogaanka Jubbooyinka , isagoo cishooyinkii ina soo dhaafay kulamo kula qaadanayay Hotelka Saxafi beelaha halkaasi wada dega oo iyana qaarkood wax ka bilaabay is uruursi dhinaca Milatariga sida uu qoray Wargeyska Alkhaleej ee ka soo baxa dalka Imaaraatka Carabta .

Isbaheysiga Dooxadda Jubba ayaa waxa ay sheegeen inaaney markale suuragaleyn in Moorgan uu gacanta ku dhigo Kismaayo , isagoo sanadkii hore ku guul dareystay ololihiisii weerar.

Maleeshiyooyin hoos taga Barre Hiiraale ayaa go�aan ku gaaray inay difaac ka galaan Degmada Jilib oo dhinaca konfureed kaga beegan Caasimadda Muqdisho .

R/wasaare Geedi oo sheegay in Muqdisho lagu aasay Xukuumadii isaga ka horeysay.

Nairobi: R/wasaaraha Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa waxa uu sheegay in Ergadii Jaamacadda Carabta ee booqday dhowaan Magaalada Jowhar ay aheyd mid xukuumadiisa in badan ay sugeysay si taageero ay u hesho , waxa uuna codsaday Taageero Siyaasadeed ,diblomaasiyadeed , dhaqaale iyo mid farsamo intaba .

Geedi ayaa ka codsaday Dowladda iyo Shacabka Masar inay taageeraan Xukuumadiisa iyo Shacabka Soomaaliya oo xiriir qoto dheer uu kala dhaxeeyo Shacabka Carbeed ee Masar waa sida hadalka uu u dhigaye.

R/wasaaraha waxa uu qiray inuu jiro khilaaf xagga fikirka ah , isagoo sheegay in tirada ugu badan Golayaasha Dowladda ay isaga taageersan yihiin si gaar ah in ku dhow 200 xubnood , waxaase jira ayuu yiri hogaamiyaal hubeysan oo aan ka badneyn ilaa iyo afar xubnood , waxaanu rajo ka qabaa ayuu yiri inay u diyaar noqdaan xasilinta amaanka Soomaaliya , waxaana damaacinayaa inaynu yeelano wadahadalo ayuu yiri oo intaa sii raaciyay in albaabadiisu ay u furan yihiin wadaxaajood iyo dood ku qotanta dadaalada dib u heshiisiineed iyo dhismaha dalka .

Cali Geedi ayaa xusay in shirqoolkii ugu dambeeyay ee uu kaga badbaaday Muqdisho ay aheyd fariin muujineysay inaaney jirin xasilooni iyo dowlad dalka ka dhisan , laakiin dhacdadaasi ayuu ku sheegay mid niyad wanaag uu ka qaaday iyo sida uu u diyaar ugu ahaa inuu xaaladda wax ka badalo , waana dhambaalkii ugu horeeyay ee mas�uuliyadeena sare u qaadayay ayuu hadalkiisa sii daba dhigay R/wasaaraha .

Waxaa jiray mudadii 14ka sano aheyd dalal shisheeye oo qeyb ka noqday kuwa shidaal ku shuba dabka si aanu dalkan u degin ayuu yiri Mr. Geedi oo sheegay in carqalad ka timaada dalalka Soomaaliya ood wadaaga la ah ay tahay arin siyaasadeed iyo dacaayad raqiis ah .

Geedi ayaa sheegay in Si KMG ah ay fariisin uga dhigatay Xukuumadda Uu hogaamiyo Magaalada Jowhar , isagoo sheegay in Caasimadda Muqdisho aanu ka jirin deganaansho .

Mar uu ka hadlayay sababaha ay ku doorteen Jowhar ayaa waxa uu ku sheegay inay howlahooda ku sii fushan doonaan Jowhar oo ah sida uu sheegay magaalo xasilan , qofkii dambi gala waxa uu beri sugayaa Maxkamad iyo cadaalad marna aqbali mayo eedeysanahaasi ayuu yiri Geedi Xukuumad deganaanshaha dalka ka shaqeysa.

Mar wax laga weydiiyay xilliga Xukuumada ay u guureyso Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadiisu aaney ka maqneyn Muqdisho ,isagoo sheegay in caasimadda ay ku sugan yihiin R/wasaare Ku xigeenka ahna wasiirka arimaha gudaha , xubno ka tirsan Xukuumada iyo Baarlamaanka oo nabadda jecel, waxa uu ku nuux nuuxsaday in Jowhar ay tahay xarun , Muqdishana ay tahay Caasimad oo aaney tartami Karin marnaba , balse waxa uu tilmaamay inay ka howlgali doonaan Muqdisho , joogistiisa Jowhar ayuu ku sheegay inay ugu wacan tahay arimo amaan .

Geedi ayaa sheegay in Xukuumadii isaga ka horeysay lagu aasay Muqdisho oo ay awoodi weysay inay sameyso wax dhaqdhaqaaq ah , waxa uu is weydiiyay waxa ku dhiiri gelinaya inuu ku degdego goob uu ku sheegay inay tahay qabuuro , laakiin waanu ku laabaneynaa Muqdisho marka la sugo amaankeeda ayu yuiri Geedi .

Waxaanu horey u dalbanay xoogag carbeed iyo kuwa Afrikaan ah oo dhinaca nabadda i gacan naga siiya laakiin ilaa iyo iminka ma heyno ayuu yiri wax jawaab ah oo dalabkaasi khuseeya , waxa uuna sheegay in arintaasi ay ugu wacan tahay sida dalalka carabta ay u dayaceen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed , isagoo xusay in ilaa iyo sadax jeer uu jeediyay codsi arintaasi ku saleysan balse uu waayay cid u warcelisa .

Mar la weydiiyay qaabka Dowladda FKMG ah ay u wajaheyso Maamulka Somaliland , ayaa waxa uu ku jawaabay in Somaliland ay leedahay maamul ka hormaray dhinaca amaanka iyo dhismaha marka loo eego Soomaaliya inteeda kale , waxaase uu muujiyay inay la gali doonaan wadaxaajood laakiin ma aha ayuu yiri mid ay ku haminayaan beri , bil kadib ama laba bilood intaba.

R/wasaare Cali Geedi waxa uu sheegay in Soomaaliya xilligan ay u baahan tahay amaan ,iyadoo talaabada xigta arintaasi uu ku sheegay inay noqon doonto dib u dhiska dalka .

Waxaa kaloo uu sheegay inuu soo dhoweynayo Caamar Muusaa Xoghayaha guud ee Jaamacadda carabta haduu soo booqanayo Soomaaliya oo sheegay inay baahi u qabaan aqoonta iyo dhaqanka Masar , waxa uu farta ku goday inuu ku barbaaray kuna waxbartay Dugisga sare jamaal c/naasir oo waqtigaa lagu baray qaabkee loo helaa xornimo iyo sidee la isaga caabiyaa Gumeystaha , waa arin muhiim laakiin xaaladda Soomaaliya sida la ogyahay ma aha mid fudud ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Geedi waxa uu sheegay inuu diyaarsan yahay qalabkii Kumbuyuutar ee lagula socon lahaa heshiisyada maaliyadeed ee dowladda ay gasho , waxaase uu muujiyay baahida xukuumadiisa ay u qabto in wasaaradda Maaliyadda soomaaliya loo tababaro shaqaale , waxaa kaloo uu shaaciyay in Xaaladda Waxbarasho , Midda caafimaad , Adeegyada Bulshada , dhaqaalaha iyo Dhismaha hoose intaba ay ka hoos mareen Ziiro .

Mustaqbalka soomaaliya waxa uu ku jiraa Gacanta Shacabka , dunida waxaanu ka codsaneynaa inay nagu saacidaan taageero farsamo iyo mid siyaasadeed, hadii aynu weyno , dalkeena waxa uu leeyahay kheyraad iyo hanti dabiici ah ayuu yiri R/wasaaraha soomaaliya oo xusay in taageero uu ka filayo Jaamacadda carabta .

 

Dowladda Suudaan oo dhaqaale ku deeqday Soomaaliya

Qaahira : Wararka naga soo gaaraya Magaalada Qaahira ayaa waxa ay sheegayaan in Dowladda suudaan ay ku deeqday sanduuqa Kaalmeynta Soomaaliya in ku dhow 50 kun oo doolarka Mareykanka ah .

Dhaqaalahan ay bixisay Xukuumadda Khartuum ayaa ah mid loogu talo galay in wax lagaga qabto xaaladda Soomaaliya oo loogu baaqay madaxdii ka qeybgashay Shir madaxeedkii carbeed ee ka dhacay Magaalada Aljeris bishii march ee sanadkan in ay gacan ka geystaan bixinta 26 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo shirkaasi Soomaali loogu yaboohay , waxaana horey dowladda Aljeeriya ay u bixisay 2 milyan oo doolar , iyadoo malyan ka mid ah dhaqaalahaasi la soo gaarsiiyay sida la shaaciyay Xukuumadda uu hogaamiyo R/wasaare Cali Maxamed Geedi.

Warka ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in Xoghayaha Guud ee Jaaamacadda carabta Caamar Muusaa uu dhambaalo qoraal ah u kala diray ilaa iyo 20 Hogaamiye oo carbeed oo uu ku booriyay inay ku kordhiyaan dhaqaale sanduuqa Kaalmeynta Soomaaliya oo ilaa iyo iminka aaney ku soo dhicin lacagihii la filayay .

Mr. Muusaa ayaa Hogaamiyaasha carbeed kaga Codsaday Fariintiisa qoraalka ah inay soo dedejiyaan kaalmada dhaqaale ee Soomaaliya ay ka sugeyso iyo inay fuliyaan balan qaadyadii Shirkii Aljaris .

Dadka Soomaalida oo tiradooda lagu sheego 10 milyan oo ruux ayaa 800 kun oo caruur Soomaali ah waxaa saameyn uu ku yeeshay dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay sida uu qoray Wargeyska Alra�yul Caam ee ka soo baxa dalka Kuweit .

 

Golaha amaanka oo Cunaqabateyn Dhaqaale maanta saaraya dalalka Ethiopia iyo Eritrea

New York: Diblomaasiyiinta ku sugan Magaalada New York ayaa waxa ay sheegeen inay u codeyn doonaan maanta Golaha amaanka Go�aan Cunaqabateyn dhaqaale lagu saarayo dalalka Eritrea iyo Ethopia , waxaana ajandaha olalahaasi hormuud ka ah Dowladda Giriiga .

Go,aankani ayaa waxa uu ku baaqayaa in labada dal ay joojiyaan dhaqdhaqaaqyada Milatari ee dhinaca Xuduuda iyo inay dib ay u celiyaan ciidamada ay xuduuda soo dhoobeen, iyadoo la eegayo qaabkii ay horey u aheyd Soohdinta 16-kii December 2004-ti .

Waxaa kaloo qaraarkani uu ku baaqayaa in xaaladda la dejiyo,lana joojiyo hanjabaada iyo awood wax ku maquuninta.

Golaha amaanka ayaa waxa uu go�aan ku gaaray in uu dib u eego Qodobka 41 �aad ee Heshiiska Q.M ay ku dhisan tahay , waxa uuna qodobkaasi qeexayaa in Cunaqabateyn Dhaqaale iyo Mid diblomaasiyadeed la saaro ciddii u muuqata adeegsiga awood milatari .

Golaha waxa kale uu baaq u jeedinayaa Xukuumadda Eritrea inay xayiraada ka qaado howlaha indha indheynta Korjoogtada Q.M ay ka wadeen soohdinta muranka uu ka taagan yahay .

Booliska Britain oo baaritaan ku haya dad Soomaali ah oo lagu eedeynayo fal dil ah.

London: Booliska magaaladda London ee dalka Ingiriiska ayaa faahfaahin dheeri ah ka soo saaraya dad soomaali ah oo loogu shakisanyahay in ay ka dambeeyaan weerar toogasho oo jimcihii aynu soo dhaafnay lagu dilay haweeney bileyska Ingiriiska ka tirsaneed.

Dadkani Soomaalida oo ku xiran saldhigyo ku yaala Magaaladda London ayaa la rumeysanyahay in ay xubno ka yihiin koox gaangistaro ah oo tiradooda ay dhantahay labaatan ruux oo ku lug leh arrimo la xiriira Daroogadda, waxaana isla kooxdani Soomaalida ee loogu shakisanyahay dilka Jimcihii dhacay lagu xiriirinayaa falal dhac oo muddo dheer ka soo jiray guud ahaan magaaladda London.

Baarayayaasha wada dadaaladda la doonayo in lagu ogaado xaqiiqda dilka loo geystay Sharon Beshenivsky, oo ah sarkaaladda bileyska ee la dilay ayaa sheegay in la rumeysanyahay dadka Soomaalida ee imminka xiran ay leeyihiin gaari midikiisa silver ah oo nooca 4x4 oo ay ku baxsadeen saddex nin dhaca u geysanayay goobta lagu dilay haweeney booliska aheed.

Booliska ayaa xalay la siiyay waqti dheeri ah oo ay su�aalo ku weydiinayeen afar nin iyo haweeney u xiran weerarka toogashadda ee dhacay Jimcihii aynu soo dhaafnay.

Shantani qof ee soomaalida ah ayaa ah koox magan doon waxaana maalintii sabtida aheed laga soo xiray koonfur bari magaaladda Loondon.

Saddexda nin ee dilay Haweeney booliska ah ayaa ahaa labo nin oo madow iyo nin Asian ah, waa sida uu sheegay milkiilaha xafiiska Agency-ga ee dhaca loo geysanayay.

Waxaana la sheegay in shirkadaasi dhaca loo geysanayay oo ah (Travel Agency) shirkadaha jara tikidhida safarka ay raga falka xatooyada geysanayay ay ka dhaceen lacag gaareysa 2000 oo ah Gini dalka Ingiriiska.

Dilka Haweeneydda Booliska ah ayaa yimid falka dhaca ka dib markii ay iyada ku soo dhowaatay xafiiska la dhacayay waxaana falkaasi sidoo kale ku dhawwacantay askariyad kale oo la yiraahdo Teresa Milburn.

Booliska dalka Ingiriiska ayaa howl gal gaadmo ah ku qabtay gaariga dhaca loo geystay iyada oo gaariga lagu dhex qabtay nin Soomaali ah iyo nin cadaan ah.

 

[email protected]

[email protected]
Copyright �
1986-2005 1986-2005 Contact: [email protected]

        

Hadhwanaagnews

AllPuntland
Allsomali.com
Arlaadi Online
Arlaadinet
Afgoi.com
Awdelnews.com
Ayaha Nolosha
Ayaamaha
Bakaaraha
Balcad.com
BBC Laanta Soomaaliga
Benadir
Berlula Online
Burtinle Online
Codka Somali Galbeed
Cayaaraha.com
Cadaado.net
Dalka.com
Dawanpress
Dayniile
Deeyoo
DijboutNet
Elektaroonig Gedonet
Gedohomepage
Geeska Afrika
Godey Online
Goldogobsite.com
HalganNews
Harardheere
Hobyonet
Hiiraan Online
Himilo Online
HornAfrik Online
Horyaal
Jamhuuriya
Jowhar.com
Kenyan Somali Community
Lafoole.com (STAS)
Marka Caddeey
Maaneed
Midgaan.com
Mogadishu University
Muqdishonet
Midnimo.com
Puntland Post
Qaranimo.com
Qorahey
Qaamuus Qaran Press
Radio Somaliland
Ruunkinet.com
Smali Bantu
Somaligalbeed
Saylac.com
Somali TV Online
SomaliMagazine
Somali Fisheries Society 
Somalilandnews.com
Somalitalk
Somalia Site
Somali S.S. Malaysia
Somalilife.com
Somaliawatch.com
Somali Market
Somaliawatch.org
Somalilandnet.com
SomaliNet
Somali Press
Somali R. & H. Center
Somitek
Somalitribune
Somali Water & Enviro
Somali Weyn
Somaliwebsite
Somalihome
Somali Peace Process
SomaliUK Somali Talk Somali Inter
Suldan Hure
SUSA Netowrk 
STN-TV.NET
Waqooyi Bari Kenya
Wardheer
Waaga Cusub
WardheerNews
Warsan Times
WidhWidh